AALLA SHEEKH ARAGNAYE DAMUL JADIIDNA AAN ARAGNO!

AALLA SHEEKH ARAGNAYE DAMUL JADIIDNA AAN ARAGNO!

33
0
SHARE

Qormadan la magac baxday aalla sheikh aragnaye damul jadiidna aan aragno waxaan oo la gol leeyahay labadii dowladood ee soo maray dalka soomaaliya ee kala ahaa

1- Dowladii sheikh shariif sheikh Axmed

2- Dowlada xasan sheikh maxamuud

Hadaan ku hormaro dowladii sheikh shariif sh. Axmed runtii dalku waxuu lahaa hididiilo wanaagsan iyo ifafaalo wacan.

Dowladaas waxaan ka xusuustaa arimahan:

1-inta badan waxey aad iyo aad oga fogaan jirtay isku dhaca iyo khilaafka dowlada iyo maamulada goboladda ee ka jira dalka, waxaana calaamad u ahaa tanaasul sida tanaasulkii loo sameyay madaxweyne faroole ee shirkii garowe 1 iyo 2, madaxweyne shariif waxuu awooday inuu dhaho shirka ha lagu qabto muqdisho, laakin tanaasul dartii ayuu u sameeyay arintaas.

2-xerta aalla sheikh xilal wasiiro ah oo badan meyna qabanin, marka laga tago agaasimayaal iyo latalin hoose, mana aheyn kuwo dadku u muuqdaan oo farta lagu fiiqo.

3-dowlada sheikh shariif waxey ku soo aaday xili aad iyo aad u adag dhanka amniga oo caasimada muqdisho waxey ka heysteen wax ka yar 5KM oo isku weer ah.

4-dhanka dhaqaalaha aad iyo aad ayuu u ahaa gabaabsi mana jirin balan qaadka hada la heysto oo kale.

5-dhanka xiriirka caalamiga ah ma jirin ictiraaf buuxa oo dowladu waxey aheyd dowlad KMG AH, mana gali Karin heshiisyo caalami ah.

6-dowladii sh. Shariif loma ogaleeyn iney fadhiisato kursigii dowlada soomaaliya eey ku laheyd hay’addaha kala ah:

A-bangiga aduunka

B- hay’adda lacagta aduunka

C- boostada aduunka

D- xiriirka duulimaadka aduunka ee Adan cade international airport.

 

7-dowladii shariif ma jirin safaaraddaha tiradda badan ee manta ka jira muqdisho.

8-dowladii shariif waxey ku dadaali jirtay midnimada ummada soomaaliyeed iyo isku dayga dowlad wanaaga.

9-waxey iskaga midyihiin labadan dowladood is qab qabsiga iyo khilaafka madaxweynaha iyo R/wasaaraha ee marwalba soo laabanaya iyo saaxiibkey xil u magacow, taasina waa astaan biseel la,aan iyo aqoon daro dhanka maamulka ah .

 

DOWLADA XASAN SHEEKH:

1-intey qabsatay xukunka waxa gacanteeda soo galay dagmada jowhar iyo mahadaay

2-waxaa faraha ka baxay amaankii iyo amnigii dalka gaar ahaan gobolada eey gacanta ku heyso dowladu.

3-waxaa dalka dib ogu soo laabtay dagaalo sokeeye

4-waxeey dowladu dhaafi weyday meeshii uu kaga tagay sheikh shariif

5-waxa dowlada hareeyay ismaan dhaaf dhex maray ayada iyo maamul goboleedyada

6-waxa dowlada ka dhex jira kooxeysi iyo urureeysi

7-waxey dowladu ka socon la dahay nin jacleysi iyo eex

8-waxey dowladu ka socon la dahay wax walba damul jadiid ayuu ku fiican yahay.

9-R/wasaare kasta waa inuu qaataa yeerinta xerta damul jadiid , hadii kale aniga xukunka ku dhiibtay ikhtiyaarna ma lihid.

*akhristow ogow xiriirka dibada wax badan ayey ka qabatay dowladda xasan sheekh maxamuud, ee cadaalada ha ka tagina.

TALO BIXIN KU SOCOTA DAMUL JADIID:

Halkan waxaan ku soo bandhigayaa talo bixin ku socota walaalahay damul jadiid taas oo ah:

1-madax baneeya R/wasaarayaasha dalka, ikhtiyaarkooda ha ku soo doortaan xubnaha golaha wasiiradda ee la shaqeynaya Rw.

2-ha isku dayina inaad meel kasta ka muuqataan xilalka hay’addaha dowlada

3-aragti fog oo waasic ah la imaada oo dadka kale wax u ogolaada

4-isku daya inaad dadka soo jiidataan ood kasbataan quluubtooda si aad barito u soo laabataan inshaa allaah.

5-waxaad soo barateen iyo tarbiyadii xarakada ha hilmaamina, hana iloobina tajribooyinka nigu xeeran ee wadamada islaamka.

6-ogaada fursatu manta uun ma ah ee dadka wax u hanbeeya.

*khaladaadkii dhacay xiligii R/wasaare saacid isku daya ineyna soo noqonin, kana faa,iideysta inta dhiman wakhtiga xukunka.

W/Diyaariyey:C/raxmaan Raabi

Leave a Reply