Ahlu Sunna oo wadahadal ka dalbaday Al-Shabaab

Ahlu Sunna oo wadahadal ka dalbaday Al-Shabaab

35
0
SHARE

Ururka Ahlu Sunna ee gobalada Dhexe ayaa maanta ku dhawaaqay go’aan aad cajiib u ah oo ku aadan in ay wadahaal la furayaan ururka Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida.

Guddoomiyaha golaha fullinta ee Ahlu Sunna Sheekh Cabdirisaaq Maxamed (Al Ashcari) oo maanta ka hadlay xaflad weyn oo lagu soo gabagebayay xuska dhalashada Nabiga naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee, ayaa ugu baaqay Al-Shabaab in ay soo dir sadaan ergooyin uga qaybgala wadahadallada iyaga iyo Ahlu Sunna.

Wuxuu sheegay in ay diyaar u yihiin waddahadal iyo nabad in ay la galaan Al-Shabaab isla markaana la ogaada wax yaabaha u dagaallamayaan Al-Shabaab.

Waa hadalkii ugu horreyay ee Ahlu Sunna ka soo yeero oo ku aadan Al-Shabaab oo ay dagaallo kula jiraan.

Ma cadda wax yaabaha keenay in Ahlu Sunna ay maanta shaaciso in ay wada-hadal lagasho kooxda Al-Shabaab.

Labada urur waa kooxo hubeysan oo ka arrimiya qaybo ka mid ah dalka.

Leave a Reply