Al-shabaab oo Qarka u saaran in ay la Wareegaan Degmada Mahaddaay

    54
    0
    SHARE

    Dadka ku nool Degmada Mahaddaay ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa Cabsi Xoogan ka Qaba

    in mar labaad ay Maleeshiyaadka Al-shabaab la Wareegaan Degmadaasi.

     

    Nabadoon Xuseen Saciid C/laahi oo ka mid ah Waxgaradka Degmada ayaa sheegay in Dadku ay ka Cabsi qabaan in Al-shabaab ay la Wareegaan Degmada ka dib markii Ciidamadii AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaalia ay iskaga Baxeen Degmada Mahaddaay.

     

    Xuseen Saciid ayaa sheegay in Al-shabaab ay Dagan yihiin Deegaano u dhaw Degmada Mahaddaay islamarkaana ay mar kasta ay macquul tahay in ay Gacanta ku dhigaan Degmadaasi.

     

    Al shabab, baraawe

    Dhanka kale Taliyaha Guutada 1-aad ee Ciidamada XGD Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Shabellaha Dhexe Ibraahin Yuusuf ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay joogaan Degmada Mahaddaay islamarkaana aysan jiri Cabsi ay ka qabaan Maleeshiyaadka Al-shabaab.

     

    Degmada Mahaddaay ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxaa jiray Warar sheegaya in Ciidamadii Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ay iskaga Bexeen.

    Xigasho: godaneweb

    Leave a Reply