Friday, December 15th, 2017

Al-Shabaab oo weeraray gaadiid ciidan oo marayay duleedka Balcad

Published on December 3, 2017 by   ·   No Comments

Wararka ka imaanaya degmada Balcad ayaa sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay wadada u galeen gaari dagaal oo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga.

Gaadiidka dagaal oo ahaa nooca Soomaalida u taqaano Cabdi Bilaha ayaa la sheegay in lagu dhiftay baasuuke, waxaa la sheegayaa in gaariga uu ku gubanayo goobta lagu weeraray oo lagu magacaabo Haan-Sheekh.

Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaad muddo socday uu dhex maray ciidamada Milateriga iyo dagaalamayaasha Shabaab ee jidka galay.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray ciidamada, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in weerarka gaadmada lagu dilay Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda.

Al-Shabaab ayaa todobaadyadii u dambeeyay wadada u dhaxeysa Jowhar iyo Balcad weeraro ka fulinayay, waxaana ay bartilmaameedsanayeen gaadiidka ciidamada ay la socdaan.

Readers Comments (0)

Comments are closed.

FIND ON FACEBOOK