Alshabab ayaa baar dheere waxa ay ku soo qab qabteen dad farabadan

    34
    0
    SHARE

    Xarakada Alshabab ayaa waxa ay howl gal balaaran ka sameeyeen Degmada baardheere, iyaga oo qab qabtay dad farabadan oo ay ku eedeeyeen in masuul ka ahaayeen, dab dhawaan ka dhacay degmadaasi.

    dadkan ayaa waxaa laga soo qabtay iyaga oo ku sugan guryahooda, lamana oga sababta oo beegsaday dankani, hase ahaatee qof goob jooge ah ayaa sheegay in dadkani ahaayeen ganacsatadii Qaadka keeni jiray degmada baar dheere.

    Lama oga waxa ay kooxda shababku ku sameyn doonto dadkan ay soo qab qabteen, sida horay looga bartay kooxda alshabab dadka ay gacanta ku dhigaan dib looma arko inta badan.

    Leave a Reply