Amaanka Garoowe oo siweyn loo adkeeyey iyo wafuud ku wajahan

    42
    0
    SHARE

    Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maalinta berito ah loo caleema saarayaa xilka maaxwayne ee Puntland oo uu ku guulaystay sideeddii bishaan.

    Amaanka magaalada Garoowe ayaa siweyn loo adkeeyey waxaana wadooyinka magaalada lagu arkayaa ciidamo badan oo ku la bisan  darayska ciidamada kale duwan ee Puntland.

    Waxaana ay baaritaano ku hayaan xaafadaha magaalada iyo gaadiidka ka shaqeeya magaalada Garoowe.

    Dhinaca kale wafuud caalami ah iyo kuwa kasocda gudaha dalka Soomaaliya ayaa kusoo wajahan Garoowe , waxaana sidoo kale madaxda iminka garoonka kusoo wajahan ka mid ah madaxwaynayaasha Jubba iyo Galmudug.

    Xafladda Caleema saarka oo beri dhici doonta ayaa loo qorsheeynayaa in loo qabto laba qaybood maadama wafuudda imaanaya yihiin kuwa badan sida ay horay warbaahinta ugu sheegtay gudoomiyaha guddiga qabanqaabada xafladda caleema saarka Marwa Caasho Geelle Diiriye.

    Leave a Reply