Amarkii Al, shabaab iyo DFS ee ku saabsanaa Internet-ka Keebaa Hirgalay

Amarkii Al, shabaab iyo DFS ee ku saabsanaa Internet-ka Keebaa Hirgalay

52
0
SHARE

Sida aan wada ognahay waxaa kajira gudaha somaliya loolan u dheexaya Xarakadda al,shabaab iyo Dowladda Fadaraalka Somaliya kaas oo sameen ku yeeshay shirkada isgaarsiinta iyo kuwa Korontada .

loolanka ayaa intabadan waxa uu saameeyaa shirkadda sida gaarka loo leeyahaay kuwaas oo caqabo kala kulama labada dhan .

Hadaba amarkii ee hawada la isku dhaafsaday ayaa ahaa kii Xaraladda al shabaab ay ku soo rogtay shirkadda isgaarsiinta kaas oo ahaa in la joojiyo mobile internet.

Maxaa u Hirgalay Al Shabaab

Xarakada al shabaab ayaa horay waxa ay ujoojisay shirkadda korontada bixiya in ay wadooyinka muqdisho ku xirin wax layr ah walow dadka xaafada ay dowladda ku qasabto in ay ku xirtaan irida guruga layr.

Waxa sida oo kale ay horay u joojiyen Adeegii shirkada hormuud ee Zaad services kolaw xiligaas ay intabadan dalka katalnayeen.

Shirkada hormuud telcom ayaa ku gacansayrtay Amarkii Xarakadda walow gobolo badan oo somaliya ah oo ay gacanta ku hayaan laga joojiyay in ay ka howlagaan anteenadoodana ladanshay waxaana amarkaan qaatay shirkada Somtel iyo Nationlink.

Maxaa u Hirgalay Dowladda

Dowladda somaliya ayaa umuuqata mid lala maamulaya magaaloyinka ay gacanta ku hayaan taas oo caqabad ku ah jiritaankkeeda.

Dowladda somaliya ayaa horay waxa ay u sheegtay shirkadii qaata amarka Xarakdda al,shabaab ay kala wareegayso aqoonsiga mana muuqato intabadan shirkad ka amardiiday oo aan hayn hormuud iyadana waxaa haysata midaran mid dooro.

Sikastaba ha ahaatee waxaan wada sugayna meesha ay dheeshu kudanbayso shacabkuna waa danlayn

Leave a Reply