Ammaanka Afgooye oo soo hagaagaya

    61
    0
    SHARE

    Magaalada Afgooye ee gobalka Shabeellaha Hoose, ayaa ammaankeeda uu ka soo hagaagayaa kaddib markii la geeyay ciidamo isugu jira boolis iyo nabad sugid.

    Wariye ka tirsan VOA ayaa booqday magaalada Jimcihii shaley si uu soo arko isbadalka ka jirra magaalada Afgooye, kaddib markii dadka ay ka cawdeen ammaam xumi.

    Wariyaha ayaa wareestay ku simaha guddoomiyaha degmada Afgooye, Mahadi Maxamed Xasan, kaasoo sheegay in ammaanka magaalada Afgooye uu aad uga fiican yahay maanta siddii uu ahaa jiray bil ka hor.

    Wuxuu u mahadceliyay madaxweyne Xasan Sheekh oo ciidamou soo diray magaalada Afgooye isla markaana laga saaray magaaalada ciidamadii nabad xumida ka wada magaalada.

    Wariyaha ayaa waxaa kaloo uu wareestay shacabka ku nool magaalada, waxaana ay u sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin xaallada ammaanka magaalada Afgooye.

    Leave a Reply