Anasaxinta Xukuumada oo laga soo dhaweeyay Degmada Ceelwaaq .

    20
    0
    SHARE

    Dibab bax lagu taageerayo xukuumada Cusub ayaa Maanta ka dhacay Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo kaasi oo ay soo Qaban Qaabiyeen Maamulka Degaankaasi waxaana isugu soo Baxay Boqolaal Dadweyne ah oo ku faraxsanaa ansaxinta Golaha wasiirada cusub.

    Gudoomiyaha  Degmada ceelwaaq ee Gobolka Gedo Sahal Macalin Cali oo la haday Simaba ee Magaalada muqdisho ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan sida wanaagsan ee Golaha Baarlamaanka Kalsoonida u siiyeen Xukuumada C/wali, waxaana uu ka rajeeyay in ay dalka hormar gaarsiin doonaan.

    Sahal macalin Cali Gudoomiyah Degmada ceelwaaq ayaa Baaq udiray Xukuumada cusub ee Baarlamaanku meel Mariyeen in ay Taageero Degdeg ah la soo Gaaraan Ciidamada Dowladda ee ku sugan Goblka Gedo  si ay difaaca deegaanadaasi uxoojiyaan.

    Leave a Reply