Sunday, September 24th, 2017

BAARLAMANKA FEDERAALKA SOOMAALIYA OO KULAN KALE MAANTA  U BALANSAN IYO ARRINTA QALBI DHAGAX OO..   

Published on September 13, 2017 by   ·   No Comments

Guddiga joogtada ah ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa Shalay waxay Muqdisho ku yeeshaan Kulankii 12-aad,waxaana looga hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen Guntanka Kullamada guud ee Golaha Shacabka, Xildhibaanada ka qeyb gala Shirarka iyo Siminaarada aan Gudoonka la socon iyagana aan warbixin laga helin.

 

Sidoo kale kulanka ayaa lagu go’aamiyay in Maalinta Berito ah kulanka Baarlamaanka soomaaliya looga hadlo arrinka ku saabsan kiiska Cabdi Kariin Muuse Qalbi Dhagax, iyada oo dhamaan xildhibaanada lagu wargeliyay.

 

Kulanka Golaha Shacabka ee Maalinta Berito ah ayaa ah mid xasaasi ah, waxaana xusid mudan in dhawaan kulan ay yeelan lahaayeen xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya kaasoo looga doodi lahaa kiiska Qalbi Dhagax uu u baaqday Kooram la’aan.

 

Raisul wasaaraha Somalia iyo xukuumadiisa ayaa hadda kalsooni ku qaba in wax dhibaato ah aysan uga iman doonin dhinaca baarlamanka ka dib markii arintaas kulamo hoose lagu soo xaliyey iyadoo Xildhibaanadii ka horjeeday xukuumada intooda badan lagu qanciyeu iney mowqifkooda bedelaan.

Readers Comments (0)

Comments are closed.

FIND ON FACEBOOK