Banaanbaxyo lagu taageerayo Ciidamada Kenya oo ka dhacay Jubbooyinka

26
0
SHARE

Banaanbaxyo si weyn lagu taageeraayo Ciidamada Dowladda Kenya ee ku sugan gobolada Jubbooyinka ayaa maanta ka kala dhacay magaalada Kismaayo iyo Afmadow.

Dadweyne badan oo isku jiray qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa iskusoo baxay wadooyinka kala duwan ee magaalada Kismaayo, waxaana la adkeeyay ammaanka.

Inta uu socday dibad baxa, waxaa ay dadweynaha ku dhawaaqayeeyn erayo ay ku amaanayaan Ciidamada oo ay sheegeen in si wanaagsan ula dhaqmaan dadweynaha ku dhaqan gobolka.

Dibad baxan ayaa yimid markii dhowaan ay soo baxeen warar sheegaayan in la bedelaayo Ciidamada Kenya ku sugan gobolada Jubbooyinka oo lagu bedeli doono Ciidamo kale oo Boolis ah kana tirsan isla AMISOM.

Qaar kamid ah dadkii soo qaban qaabiyey banaanbaxa ayaa sheegay in aysan doonaynin in la bedelo Ciidamada Kenya ee jooga gobolka.

Ciidamada Kenya ayaa soo galay gobolada Jubbooyinka dabayaaqadii sanadkii 2011-kii markii sida ay sheegeen uu Qatar galay amniga wadankooda oo afduubyo ay geysteen kooxo kasoo talaabay xadka. Mudo sanad ah ayay ku qaadatay in ay ka saaraan goboladaas kooxda Al-Shabaab oo xilliga ka talinaysay.Banaanbaxyo si weyn lagu taageeraayo Ciidamada Dowladda Kenya ee ku sugan gobolada Jubbooyinka ayaa maanta ka kala dhacay magaalada Kismaayo iyo Afmadow.

Dadweyne badan oo isku jiray qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa iskusoo baxay wadooyinka kala duwan ee magaalada Kismaayo, waxaana la adkeeyay ammaanka.

Inta uu socday dibad baxa, waxaa ay dadweynaha ku dhawaaqayeeyn erayo ay ku amaanayaan Ciidamada oo ay sheegeen in si wanaagsan ula dhaqmaan dadweynaha ku dhaqan gobolka.

Dibad baxan ayaa yimid markii dhowaan ay soo baxeen warar sheegaayan in la bedelaayo Ciidamada Kenya ku sugan gobolada Jubbooyinka oo lagu bedeli doono Ciidamo kale oo Boolis ah kana tirsan isla AMISOM.

Qaar kamid ah dadkii soo qaban qaabiyey banaanbaxa ayaa sheegay in aysan doonaynin in la bedelo Ciidamada Kenya ee jooga gobolka.

Ciidamada Kenya ayaa soo galay gobolada Jubbooyinka dabayaaqadii sanadkii 2011-kii markii sida ay sheegeen uu Qatar galay amniga wadankooda oo afduubyo ay geysteen kooxo kasoo talaabay xadka. Mudo sanad ah ayay ku qaadatay in ay ka saaraan goboladaas kooxda Al-Shabaab oo xilliga ka talinaysay.

Leave a Reply