Saturday, November 18th, 2017

BEESHA HABAR IDINLE OO MAANTA MAGAALADA MUQDISHO KU SHIRTAY SOONA SAARTAY BAYAAN KUWII HORE LAGU TAAGEERAYO

Published on June 23, 2017 by   ·   No Comments

Wada-tashiyo iyo is garabsi lagu ayidaayay warsaxaafadeed hore oo ey soo saareen beesha habar idinle ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho, Wadatashigaas guud oo ey iskugu yimaadeen dhamaan qeybaha bulshada nuucyadooda kala duwan ayaa lagu gorfeeyay in beeshu ey sinna u metelin raga sheegta Xildhibaanimada heer Qaran kuna wado ka fog ogolaashada beesha .

Nabadoon Ahmed Sheikh Faarah ayaa si cad u cadeeyay in beeshu eysan ku lahayn wax xaquuq ah dowladda Federaalka Soomaaliya, mana matalaan Abdi ahmed Dhuhulow “Dhagdheer” iyo Xuseen Qaasim Yuusuf “Idow” waa sida uu yiri Nabadoonka.

Sidoo kale Nabadoon Jeega-Cadde ayaa isna farta ku fiiqay in ey ayidsanyihiin warsaxaafadeed kii hore ee horay loo soo saaray, wuxuu dul istaagay in dhagdheer iyo idow boob ku yimaadeyn.
Gaben gebadii ayaa suldaanka guud ee beesha habar idinle afka ku balaariyay inay nimanka kor ku xusani wada qaldan qaadeen haday kasoo laabtaana cidi hortaagneyn hadaysan garowsan qaladkoodana aysan beesha sinna u metelin wakiilna uga ahayn.

19260746_1201238166654560_6563013619025519116_n 19366559_1201237896654587_8309438293879675832_n 19397114_1201237429987967_7530098175103427715_n 19397179_1201238433321200_2478574666955114859_n 19399823_1201238236654553_2217393112683057850_n 19400004_1201238646654512_8422802584090676132_n

Readers Comments (0)

Comments are closed.

FIND ON FACEBOOK