Booliska Kenya oo Sii Daayay Macalin Kenyan ah oo Soomaaliya Macalin ka ahaa, kaasi oo madaxa looga jiro

    48
    0
    SHARE

    Warar la helay ayaa sheegaya in Ciidamada Kenya ay Jimcihii shalay aheyd siidaayeen Peter Wang’ondu kaasi oo la sheegtay inuu xiriir la leeyahay Al-Shabaab, sida ay baahisay wakaalada wararka ee Xinhua ee laga leeyahay dalka Chine.

    Peter Wang’ondu ayaa da’adiisa waxaa lagu sheegay 35 sano kasoo jeeda dalka Kenya , Ciidamada Booliiska ee deegaanka Nyahururu ayaa xeray  ninkaas, kaasi oo macalin luqada ka dhiga ka ahaa dugsiga sare ee Alpha ee magaalada Muqdisho sanadkii 2005, kadib markii uu sheegay inuu warbixino kahayo weerar Westgate ka dhacay 21 September sanadkii lasoo dhaafay.

    Booliska ayaa sheegay in Wang’ondu uu yahay mid been iyo qiyaano badan, isagoo intaasi ku daray inuusan xiriir la laheyn dhaqdhaqaaqyada ay Al-Shabaab sameynayaan.

    Sargaal Kenyan ah ayaa sidaan yiri “Dhamaan wuxuu sheegaba, ma ahan ruux ka tirsan dagaalyahanada Alshabaab, laakiin waa runtiis wuxuu u safray Soomaaliya laakiin Alshabaab kama tirsaneyn”.

    Boniface Mwaniki oo ah taliyaha ciidamada booliska ee la dagaalama argagixisadaayaa sidoo kale yiri “waligiis kuma biirin koox argagixiso, waa qiyaanoole iyo beenaale”.

    Macalinka lasii daayay ayaa qaatay diinta Islaam intii uu joogay dalka Soomaaliya, wuxuu badalay magaciisa oo uu ka dhigay Cabdulaahi, ka hor inta uusan ku laaban dalka Kenya.

    Macalinka ayaa la dhigay isbitaalka Mathari ee magaalada Nairobi markii uu ku laabtay dalka Kenya, iyadoo la sheegay in xanuun dhanka maskaxda uu hayo, waxaana booliska ay sheegeen inuu daweyn caafimaad qaadanayo.

    Leave a Reply