Cabdiwelli Gaas oo sharuud ku xeray la shaqeynta dowlada Soomaaliya

    34
    0
    SHARE

    Hogaamiyaha cusub ee maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas, ayaa wuxuu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay la shaqeynayaan hadii Dastuurka dalka Soomaaliya uyaalo si wanaagsan loogu dhaqmo.

    Gaas wuxuu sheegay in sababta Puntland loo dhisay ay tahay hirgelinta nidaamka federaalka Soomaaliya, waxaana uu sheegay in Madaxdii ka horeysay isaga ay si wanaagsan ula shaqeeyeen maamulka Puntland.

    Wuxuu sheegay in Puntland ay diyaar utahay hirgelinta nidaamka federaalka, iyo sidoo kale sidii Dowladda dhexe ay ugala qeyb qaadan lahaayeen cod uqaadista Dastuurka KMG ee dalka u yaalo.

    Dhamaan wadashaqeynta Puntland ay la yeelanaysa Dowladda fedaraalka Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay inay asal u ahaan doonto ku dhaqanka Dastuurka dalka Soomaaliya uyaalo.

    Maamulkii hore ee talada u haye Puntland ayaa si adag ula dhaqmi jiray Dowladda Federaalka Soomaaliya, ilaa ay sheegeen in xiriirka ay ujareen Dowladda federaalka Soomaaliya.

    Leave a Reply