Cabsi xoogan oo soo Wajahday Gancsato Soomaaliyeed oo kunool Dalka K/Afrika iyo Barakac ka bilowday Meelaha Qaar

    26
    0
    SHARE

    Wararka naga soo gaarayo Magaalooyin ku yaala Dalka Koonfur Afrika ayaa sheega in ay jiraan cabsi xoogan oo soo wajahday Qaar kamid ah Ganacsatada Soomaaliyeed ee Dalkaasi ku leh goobaha ganacsiga.

    Tuulooyinka hoos taga Magaalada Rusterburg ee Gobolka North West ayaa hada laga soo sheegayaa cabsi xoogan, waxaana halkaasi hada ka bilowday Barakac ay sameenayaan qaar kamid ah Ganacsatada Dukaamada ku leh Tuulooyinka hoos taga Magaaladaasi.

    Maanta ilaa shalay ayaa Dukaamo badan oo kuyaala qaar kamid ah Tuulooyinka Hoostaga Magaalada Rusterburg waxaa isaga soo barakacy oo hantidoodana kasoo rartay ganacsato Soomaaliyeed oo kacabsi qaba in Hantidooda la boobo iyagana waxyeelo loo geesto sida uu noo Xaqiijiyay Maxamed Cilmi Nuur oo kamid ah Soomaaliya ku dhaqan Magaalada Rusterburg.

    Maalinta Berito ah ayaa laga cabsi qabaa in Dibad baxyo waa weyn ay dhigaan Dadka ka shaqeeya Goobaha Macdanta laga qodo ee kuyaala Tuulooyin hoos yimaada Magaalada Rusterburg ,waxaana laga cabsi qabaa in dibad baxa ay dhigayaan dadka u dhashay Dalkaasi uu isku badalo mid rabshado wata oo lagu boobayo goobaha Ganacsiga ee Soomaalidu ku leedahay Halkaasi.

    Jaaliyada Soomaaliyeed ee Magaalada Rusterburg ayaa ugu Baaqday Soomaalida kunool Tuulooyinka cabsida ka jirto in ay feejignaan dheeraad ah sameeyaan ayna naftooda iyo hantidooda kala soo baxaan goobaha laga cabsi qabo in rabshado ka dhacaan.

    Magaalooyin kale oo kuyaala Dalka Koonfur Afrika ayaa sidoo waxaa ka jira cabsi xoogan oo iyana la xariirta dibad baxyada ay dhigayaan dadkaka shaqeeya Goobaha macdanta laga qodo ee Dalkaasi ku yaala.

    Dibad baxyo lamid ah kuwa laga cabsi qabo in Maalinta Berito ah dhacaan oo horey uga dhacay Magaalada Rusterburg iyo Magaalooyin kale ayaa lagu boobay goobo badan ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed iyadoona goobaha qaar dab la qabadsiiyay markii la boobay kadib.

    Leave a Reply