Ciidamada Dowlada oo isaga baxay Deegaanka Buushka Ee Sh/Hoose Sabab

    21
    0
    SHARE

    Waxaaa wararku ay sheegayaan in Ciidamadii Dwlada ay  guureen deegaankaasi ayna gaareen deegaanka kale ee Nambar 60 oo ku dhow meesha ay ka guureen, waxaana halkaasi kaga horreeya ciidamada AMISOM oo saldhigyo ku leh deegaankaasi.

    Dadka Gobjoogayaasha ah ee ku safra wadada u dhaxaysa Marka iyo Afgooye ayaa sheegay in Ciidamadii Dowlada ee Deegaanka buushka ku Sugnaa ay bexeen halkaasi.

    Dhanka kale faafaahino dheeraad ah ayaa laga heleyaa weerar culus oo dhawaan ciidamada Shababku ay ku qaadeen saldhigyo ciidamada Amisom ay ku leeyihiin deegaanka Bariire oo ku dhow degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose.

    Dagaalkasi oo dhacay habeenkii Xalay ayaa la sheegayaa in ay ku dhinteen ilaa 6 kamid ah ciidamada Amisom iyo dhaawaca  5 kale oo iyana ka tirsan isla ciidamadaasi sida ay qortay Shabakada ku hadasha Afkooda.

     

    Leave a Reply