Ciidamada Kenya Oo Ka Hadlay Amaanka Gobolada Ay Kaga Suganyihiin Dalka Soomaliya.

Ciidamada Kenya Oo Ka Hadlay Amaanka Gobolada Ay Kaga Suganyihiin Dalka Soomaliya.

25
0
SHARE

Abaanduulaha Ciidamada Kenya ee Gobollada Jubooyinka Brig Walter Raria, ayaa isagoo faah faahin ka bixinayay ammaanka deegaanada Ciidamada Kenya ay kaga sugan yihiin Soomaaliya waxa uu sheegay in Nabad ay ku soo dabaaleen sida uu hadalka u dhigay.

Sarkaalkaan ayaa ku nuux nuuxsaday in ay gacan bir ah ku qabteen deegaanada Jubbooyinka oo inta badan Ciidamada Kenya ee Howl galka AMISOM ka tirsan ay ku sugan yihiin.

Al Shabaab waanu ka saarnay meelo fara ku tiris ah ayey hadda ku sugan yihiin oo aan xisaabta ku darnay in’aan iyana ka saarno ayuu yiri Brig Walter.

Ciidamo dhan 3664 Askari oo Kenyan ah qeybna ku ah Howl galka AMISOM ayaa iminka ku sugan Gobollada Jubbooyinka.

Hadalka Dowladda Kenya ayaa imaanaya xilli weli dagaallo iyo  dhibaatooyin ay ka dhacaan Gobollada Jubbooyinka kuwaas oo ay geystaan dagaalyahannada Ururka Al Shabaab Iyo Ciidamada dalka Kenay Ee Ka Tirsan Ciidamada Nabad Ilaalinta Ee Amiso

Leave a Reply