Ciidamada Kenya oo la geynaayo Gedo

Ciidamada Kenya oo la geynaayo Gedo

20
0
SHARE

Afhayeenka cusub ee Ciiddamadda Kenya (KDF), Kornel Willy Wesonga ayaa ka dhawaajiyey in Ciiddamadda Difaaca Kenya ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM isaga huleeli doonaan magaalladda Kismaayo.

“Tiro kooban oo ka tirsan Unugyadda Ciiddanka Kenya ayaa ku sii nagaan doona magaalladda Kismaayo, si ay ula shaqeeyaan Ciiddamadda Sierra Leone” ayuu yiri Afhayeenka oo qiray in Ciiddamadda Kenya loo warejiyey Gobalka Gedo.

Afhayeenka oo la hadlayey Wakaalladda Wararka ee AP, ayaa ku nuuxnuuxsaday inay Ciiddamadda Dalka Sierra Leone la wareegi doonaan Ammanaka Guud ee Goballadda Jubbooyinka ee ay horey Ciiddamadda Kenya u joogi jireen.

Afhayeenka cusub ee Ciiddamadda Kenya (KDF), Kornel Willy Wesonga oo xilka kala wareegay Afhayenkii hore ee Ciiddamadda Kenya, Kornel Cyrus Oguna ayaa ammaanay Khubradda Ciiddamadda Sierra Leone ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM, isagoo xusay inay Ciiddamadda Sierra Leone leeyihiin Khibrad la mid ah kuwa ay Ciiddamadda Kenya leeyihiin.

Ka-bixitaanka Ciiddamadda Kenya ee Goballadda Jubbooyinka ayaa ku soo beegmayso iyadoo Ciiddamadaasi loo jeediyey dhaliilo badanlabadii sanno ee ay ku sugnaayeen Goballadda Jubbooyinka.

Dhinaca kale, Sarkaal ka tirsan Maamulka Gobalka Gedo ayaa gaashaanka ku dhuftay in Ciiddamadda Kenya loo soo wareejiyo Gobalkooda, iyagoo ku dooday inaysan Ciiddamadaasi dhexdhexaad ahayn.

Leave a Reply