Wednesday, January 17th, 2018

CIIDAMADDA DOWLADDA OO LA OGAADAY IN AYSAN HUBEYSNEEN 30%!!

Published on December 20, 2017 by   ·   No Comments

Muqdisho(Gundhig)-Warbixin ay soo saartay dowladda Soomaaliya ayaa lagu ogaaday in Ciidamada Dowladda u diiwaangashay aysan 30% hubeysneen,sidoo kalana kuwa kale aysan heysan Hub waaweyn.

 

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa sheegay in sahanka ay dowladdu fulisay uu amray ra’isalwasaaraha Soomaaliya islamarkaana la isugu diyaarinayo howlgal wadajir ah oo ay Ciidamadda Dowladda Soomaaliya,AMISOM iyo Ciidamo Mareykan ah ku qaadaan Al-shabaab.

 

Wasiirku waxa uu sheegay in tirada Ciidamada Dowladda Soomaaliya u diiwaangan ay gaarayaan 26,000 (Lix iyo labaatan kun) oo Askari,kuwaas oo isugu jira kuwa u diyaar ah howlgal,kuwa lixaadkoodu dhimanyahay iyo Agoon.

Wasiir Mursal ayaa sheegay in sahanka wajigiisa 1aad la soo gaba gabeeyay islamarkaana wajiga 2aad ay ku soo bandhigayaan tirada saxda ah ee Ciidamada dowladda Soomaaliya ee diyaarka u ah howlgalka.

 

Wareysi uu siiyay VOA,ayuu Wasiirku ku sheegay in wax badan ay Ciidamada Dowladda ka dhimanyihiin islamarkaana dowladda ay hadda ku jirto diyaarinta buuxinta meelaha ka banaan dowladda hadda jirta.

Readers Comments (0)

Comments are closed.

FIND ON FACEBOOK