Ciidamo ka tirsan AMISOM oo maanta isaga baxay qeybo ka mid ah...

Ciidamo ka tirsan AMISOM oo maanta isaga baxay qeybo ka mid ah Muqdisho

25
0
SHARE

Warar dhawaan laga helay degmada Darliinley ee gobalka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in maanta ciidamo ka tirsam kuwa AMISOM ay gabi ahaan faarujiyeen fariisomo ay halkaas ku lahaayeen.

Ciidamada AMISOM oo Sanooyinkii ugu danbeeyay ku sugnaa xaafada Xoosh ee degmada Dhargiinley ay gabi ahaan halkaas ay faarujiyeen halkaas waxaana la sheegay in saakay halkii ay joogeen aysan iminka ku sugneyn wax ciidan ah.

Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay in saakay ay u ruuqaansadeen dhanka iyo gobalka Sh/Hoose iyadoo aan la ogeyn halka ay ku sii jeedaan waloow laga yaabo in ay fariisimo ka sameystaan deegaano ka tirsan gobalkaas.

Dad weyne aad u tira badan ayaa saakay ku xoomay halkii ay isaga baxeen ciidanka AMISOM waxa ayna xaqiiiyeen qaa ka tirsan dadkaas in ciidanka AMISOM ay gabi ahaan halkaas isaga baxeen waxa ayna in iyaga oo baabuur badan wata ay fooda saareen gobalka Sh/Hoose.

Leave a Reply