Ciidamo lagu diyaariyey Kismaayo iyo dagaal la qorsheeyay in lagu qaado.

Ciidamo lagu diyaariyey Kismaayo iyo dagaal la qorsheeyay in lagu qaado.

62
0
SHARE

War goor dhow naga soo gaaray Magaalooyinka Kismaayo iyo Dhoobleey, ayaa sheegaya in Maamulka Jubba ay diyaarinayaan Ciiddamo farabadan oo Ujeedkooda la sheegay inay tahay in Alqaacidada Somalia ee Alshabaab ka saarayaan Gobalada Jubbooyinka.

Ciiddamadda ayaa lasheegayaa inay garab ka helaayaan kuwa AMISOM ee iminka ku sugan Kismaayo,waxaana la soo sheegayaa inay kujiraan diyaar garoow kii ugu dambeeyay oo lagu ciribtiri lahaa Alshabaab, iyadoo Magaalooyinka Kismaayo iyo Dhoobleey iminka lagu tababarayo ciidamo dheeri ah oo ka tirsan kuwa Jubba.

C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Jubb, ayaa sheegay inay duulaan ku yihiin Goobaha ay ku sugan yihiin Haraadiga Kooxda Alshabaab, waxa uuna Tilmaamay in Ciiddamadda ay u tafaxeydanaayaan sidii ay kula wareegi lahaayeen Deegaanada ay Kooxdaasi gacanta ku heyso.

Sidoo kale, Waxa uu C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag la hadlaye ciidamo tiradooda lagu sheegay 1500 oo askari oo tababar uga socda Xerada Madhamaato ee duleedka Magaalada Kismaayo, ayaa sheegay in ciidamada laga rabo sidii Shabaab Jubbooyinka ay uga nadiifin lahaayeen.

Wuxuu sheegay in Al-Shabaab ay kala jabeen oo hada aysan laheyn awood badan oo ay isku difaacaan ama ay ku dagaalamaan intaba, isaga oo sheegay in Shabaab ay halis ugu jiraan inay kala dareeraan.

Haddalka Madaxweyne xigeenka ayaa kusoo beegmaaya xilli ay muddooyinkaani gudaha Kismaayo ka socdaan dilal iyo afduubyo, wallow inta badan dhacdooyinkaasi lagu eedeeyo Ciiddamadda Raaskambooni.

 

Leave a Reply