Ciidamo loogu tala galay xaaladaha deg dega ah oo Muqdisho Tababar loogu...

Ciidamo loogu tala galay xaaladaha deg dega ah oo Muqdisho Tababar loogu soo xiray iyo dowladda Ingiriiska oo,,

89
0
SHARE

Saraakiil ka socota Dowladda Uk ayaa Magaalada Muqdisho shalay waxa ay tababar ugu soo gaba-gabeeyeen ciidamo ka tirsan Dowladda federaalka Soomaaliya kuwaasi oo loo tababaray xaaladaha deg deg.
Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya ahna la taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya C/raxmaan Cusmaan Yariisoow, ayaa Idaacada BBC-da usheegay in ciidamadaan ay yihiin kuwa si wanaagsan uga hortagi kara xaaladaha deg deg ee dalka kusoo kordha.
Yariisoow wuxuu sheegay in saraakiil ka socota Dowladda Uk ay tababarkaan siiyeen ciidamo ka tirsan Dowladda oo hada diyaar u ah maareynta xaaladaha deg deg, xilliyada ay dalka ka dhacaan.
Inkastoo uusan sheegin tirada ciidamada, hadana Afhayeen Yariisoow, wuxuu qeexay in muddo labo cisho ah tababarkaan uu usocday ciidamada Dowladda, hadana ay yihiin ciidan diyaarsan oo maareyn kara xaaladaha dega dega iyo kiisaska culus ee Muqdisho ka dhaca oo dhanka ammaanka ah la xiriira.
Ciidamada ayaan haysan qalab wanaagsan ee ay ku howlgalaan, laakiin Eng Yariisoow, ayaa rajo ka muujiyay helida qalab ay ku howlgalaan ciidanka, maadaama ciidan tababar soo qaatay ay u baahan yihiin qalab ay ku howlgalaan.
Eng Yariisoow oo wax laga weydiiyay amniga Muqdisho iyo qaraxyadii habeenadaan ka dhacaye Magaalada ayaa difaacay ammaanka caasimada, waxaana uu sheegay in hay’adaha ammaanka dalka ay ku dadaalaan xaqiijinta ammaanka Magaalada Muqdisho, isaga oo tusaale usoo qaatay in Ciraaq iyo Afgaanistaan waxyaabaha ka dhaca aysan ka dhicin Magaalada Muqdisho.
Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo aad ubadan ayaan aheyn kuwa sida ay ubadan yihiin tayo uleh, waxaana ciidamada ay yihiin kuwa aan badanaa helin dhiiragelin dhanka madaxdooda ah.

Leave a Reply