Wednesday, January 17th, 2018

DAAWO: CIYAARTII BARBARAHA EE HIRSHABELLE VS PUNTLAND IYO SIDEY UGU SOO GUDBI KARAAN SEMI-FINAL KA.

Published on December 13, 2017 by   ·   No Comments

Kooxda xafidaneysa koobka Maamul Goboleedyada Soomaaliya ee Putland ayaa galabta ciyaar faraha looga gubtay bar baro ka tuugtay Hirshabeele oo dhabtii soo bandhigtay ciyaar aysan cidna ka fileyn.

Puntland ayaa ciyaarta  ku hormartay 2-0 balse inta la soo bar bareeyay ayaa loo saariyay, nasiib wanaag Farxaan Booq ayaa dhibic u soo celiyay ciyaarta oo malaha dhammaatayba.

Bar-baraha ayaa ka dhigan in Koonfur Galbeed oo ciyaartii furitaanka Group kan dirqi ugu soo adkaatay Hirshabeele ay si toos ah isaga xaadirisay wareega afar dhammaadka tartanka.

Halkan Hoose Ka Daawo:

Halke ay sheekadu ka qurunsan tahay waa Puntland iyo Hirshabeele. Haddaba sidee ugu soo gudbi karaan Semi Final ka tartanka?

 

Kooxda xafidaneysa tartanka ayaa u baahan oo qura hal dhibic si ay u soo baxdo.

 

Balse haddii ay guul darro 2-gool iyo ka badan kala kulanto Koonfur Galbeed way ka hari doontaa tartanka oo waxaa soo bixi doona Hir Shabeelr.

 

Maxaase dhacaya haddii Putland looga adkaado 1-0?

 

Waxaa la sameyn doonaa kulan kala bax ah oo ay markale isku arki doonaan Hirshabeele iyo Puntland.

 

Wadada kaliya ay wiilasha Hirshabeele ku soo bixi karaan ayaa ah in kulanka u harsan Puntland looga soo adkaado labo gool iyo ka badan amaba ugu yaraan 1-0, si ay u helaan kulan kala reebto ah.

 

FIIRO GAAR AH: Hirshabeel wax kula ah uma harsana oo Rajadeeda waxay ku xiran tahay kulanka Puntland vs Koonfur Galbeed.

Readers Comments (0)

Comments are closed.

FIND ON FACEBOOK