Daawo Muuqaal: Barnaamijka Xusuusta Maanta oo kale kuna Saabsan Xasuuqii 1984tii”

Daawo Muuqaal: Barnaamijka Xusuusta Maanta oo kale kuna Saabsan Xasuuqii 1984tii”

30
0
SHARE

Maanta oo kale Janaayo 30, 1984) weerar diyaaradeed ee ay la beegsadeyn ciidamada cika ee xabashida magaaladda Boorama waxay ku xasuuqeyn 37 arday oo da’doodu udhaxaysay (6-14)sano iyo 4 macallin, halka dhaawucuna kor u dhaafay 39 arday iyo 5 macalimiin ah , waxaa kaloo dadka ku nafwaayay weerarkaas kamid ahaa 4 hooyo oo xaamilooyin ahaa kuwaasi uu sugnaa MCH-ka.

Waxay aheyd goor barqa ah abaaro 10:30 AM, bishii janaayo 30keedii, 1984 kii waana maalin farxad iyo rayn-rayn badan ay dadkuna faras magaalaha Boorama (xarunta iyo caasimada gobalka Awdal) ay tuganyihiin oo raxmaad iyo nimcada illaah ku mashaqeeyay taasi oo ay dheerayd jawi bilan oo ay weheliyaan neecaw iyo reexaan udug badan oo ka soo dhabanaayay dhinaca buuralayda iyo xeebaha gobolka.

Laakiin nasiib daro farxadaasi inbadan masii jirin oo waxay isku badashay mid murugo hugsan, Kadib markii 6 diyaaradood oo nuuca dagaalka ay ka soo gudbeen dhinaca xadka xabashida kuwaas oo bartilmaameed rasmi ah ka dhigtay ubax aan waxba galabsan oo duruus ujoog ku ahaa dugsiyadoodii. Deegaamo xaafadeed iyo xarumo ganacsiba, gardaradaa aan geedna lagula soo gaban ayaa waxaa ku galbaday37 arday oo da’doodu udhaxaysay (6-14)sano iyo 4 macallin, halka dhaawucuna kor u dhaafay 39 arday iyo 5 macalimiin ah kuwaas oo sixun u dhaawacmay ,waxaa kaloo dadka ku nafwaayay kamid ahaa afar hooyo oo xaamilooyin ahaa kuwaasi uu sugnaa MCH-ka ag dhawaa dugsiyadaasi sida xun loo weeraray.

Balse su’aasha la isweyndiin karo ayaa ah intee ayuu leekaa taageeradii ay ufidisay xukuumadii milatariga ahayd ee siyaad barre dhibanayaashii ay dhacdadani ku habsatay ?
Jawaabta ayaa ah mid cad dadka inta badana ay aaminsanyihiin in wax gar-gaarah oo sidaasi ubuuran ayna dadkaasi helin ,balse wax uun lagudboonaa dowlada in ay shicibaka ka difaacdo duqaynta arxandarada ah balse taasina ma ay dhicin.

Ugu danbeyntii dhacdadaasi oo iminka u muuqata mid ay soomaalida guud ahaan iska hilmaameyn laakiin buuga taariikhda soomaaliya codsaday in maanta aan idin dulmarno oo aan xasuustaasi tiiraanyada leh dib u jaleecno.

Leave a Reply