Daawo sawirada Wasiirka Macdanta iyo Petrolka ee Soomaaliya oo la kulmey reer Khaatumo.

    29
    0
    SHARE

    Munaasibadan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimey, islamarkaana uu soo qaban qaabiyey wasiirka macdanta, deegaanka iyo Petrol-ka xukuumada Soomaaliya ee dhawaan la magacaabay  Daa’uud Maxamed Cumar(Bisile) ayaa waxaa kazoo qayb galay  qaar kamid ah isimada,  xildhibaano, aqoonyahano, culimo awdiin, ururka haweenka qaranka, ganacsato iyo dhalinyarada reer Khaatumo ee ku dhaqan magaalada Muqdisho,

    Kulanka ayaa intii uu socdey waxaa lagu gorfeeyey sidii beeshu talo midaysan uga qaadan lahayd  xaaladaha guud ee xiligan ku xeeran iyadoo dhanka kalena lagu taageerayey wasiirka cusub.

    Ugu horeyn kulanka waxaa ka hadlay, islamarkaana warbixin guud ka bixiyey xaaladaha guud deeganada Khaatumo SHeekh  C/waaxid Xaashi gudoomiyaha hay’ada Manhal.

    Gaba gabadii kulanka waxaa soo xidhay Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil , oo soo dhaweeyey islamrkaana ugu duceeyey wasiirka in Ilaahay xilka u fududeeyo, kula dardaarmey sidii loo heli lahaa madal kulmisa bulshada reer Khaatumo ee ku dhaqan magaalada Muqdisho.

    daauddaaud6daaud-3daauud3daauud4daauud-2daauud-Bisinlle

    Leave a Reply