Daawo Sawirada:Xoogag Islaami Ah Oo Isku Fidiyay Magaalooyin Dalka Liibiya Katirsan.

Daawo Sawirada:Xoogag Islaami Ah Oo Isku Fidiyay Magaalooyin Dalka Liibiya Katirsan.

18
0
SHARE

Xilli Ammaanka wadanka uu faraha kasii baxayo ayay xoogag hubeysan oo taabacsan Ansaaru Shareecah isku fidiyeen xaafado katirsan magaalada Banqaazi ee dhacda bariga Liibiya islamarkaana ah magaalada 2-aad ee ugu weyn wadanka Liibiya.

Boqolaal katirsan xoogaga islaamiga ah oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa kasoo muuqday bartamaha magaalada bayaan kasoo baxay Ansaaru shareecah ayaa lagu sheegay in roondeyn lagu sugayo amniga magaalada ay ciidankoodu bilaabeen xiliyada habeenkii ah.

Sidoo kale magaalada Darna ee dhacda galbeedka Liibiya ay xoogaga Ansaaru shareecah baaritaanno ka sameeyeen saacado kadib markii magaaladaasi lagasii daayay sedax muwaadin oo u dhashay wadanka Talyaaniga oo muddo qafaal loogu heystay Liibiya.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

لا تنسونا من صالح دعائكم
إخوانكم في :

Leave a Reply