Daawo Sawiro:- Golaha Wasiirada Puntland oo Maanta la Dhaarshey

Daawo Sawiro:- Golaha Wasiirada Puntland oo Maanta la Dhaarshey

30
0
SHARE

Xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garowe ayaa maanta waxa lagu dhaarshay xubnaha wasiiradda dowladda Puntland oo todobaadkii tagay lagu dhawaaqay.

Madaxweynaha Puntland Mudane Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa goob joog ka ahaa ku xigeenka Cabdixakiin Cabdulaahi Cumar, Gudoomiyaha Barlamanka Siciid Xasan Shire iyo Gudoomiyaha Maxkamadda sare Cabdiqaadir Shiikh Maxamuud.

Wasiiradda ayaa waxa dhaarshay garsoorayaal ka socday maxkamadda sare ee Puntland

Kalmaddo dardaaran ah ayaa Wasiiradda loo soo jeedshay ,waxana uu Gudoomiyaha Barlamanku sheegay in mudanayaashu la xisaabtami doonaan xukuumadda.

16 21 20 19 18 17 15 14 13 12 11 10 9 8 7 6 5 4

Madaxweyne ku xigeenka ayaa isna kula dardaarmay wasiiradda inay daacadnimo ku shaqeeyaan islamarkaasina dhowraaan Kitaabka ay mareen maanta.

Ugu danbeyntii ayaa Madaxweyne Cabdiweli Gaas uu wasiiradda cusub ee Puntland ku booriyay inay si hufan u qabsadaan shaqada loo igmaday, isagoo kula dardaarmay wasiiradda inay iska ilaaliyaan Musuq-maasuqa islamarkaasina ay dhawraan hantidda dadka iyo dalka.

Madaxweynuhu wasiiradda ayuu u sheegay inay shaqadooda u madax banaanyihiin islamarlaasina wixii talo ama taakulo ah ay diyaar ula yihiin, isagoo raaciyay inuu soo dhoweynayo la xisaabtanka Barlamanka xukuumadda muddo markii la joogoba

Leave a Reply