Saturday, November 18th, 2017

DAAWO SAWIRRADA: AL-SHABAAB OO HESHIIS DHEX DHIGTAY BEELAHA HABAR GIDIR CEYR IYO MURUSADE OO DHOWAAN KU DAGAALAMAY GOBOLKA GALGADUUD.

Published on September 18, 2016 by   ·   No Comments

Al-Shabaab ayaa heshiis buuxa dhex dhigay beelaha walaalaha ah ee Ceyr iyo Murusade oo bil ka hor ku dagaalamay degaanno ka tirsan Galguduud katirsan.

Kulankan nabadeynta ah ayaa ka dhacay deegaanka Warxoolo ee gobolka Galguduud, waxaana ka qeyb galay odayaal iyo waxgarad ka tirsan labada Beelood.

Maamulka Al-shabaab ee gobolka Galguduud oo muddoba ku mashquulsanaa u kala dab qaadidda beelaha dagaallamay ayaa ku guulaysatay inuu heshiis buuxa dhax dhigto labada dhinac.

Kulankan oo ay goob joog ka ahaayeen Mas’uuliyiin ka tirsan wilaayada oo uu ugu horreeyo Sheekh Xasan Yacquub Cali ayay ugu dambeyn maxkamadda Al-shabaab xukuntay diyo laga bixinayo dadkii ay beeluhu iska dileen.

Beelahan oo 14 nin iska dilay ayaa Nin walba laga bixin doonaa Min Boqol halaad oo geel ah, iyadoo Waxgarad beelaha dagaalamay ay sheegeen in ay ku qanacsan yihiin xukunkan.

belo6 belo7 shir-alshabab-beelo

Readers Comments (0)

Comments are closed.

FIND ON FACEBOOK