Friday, December 15th, 2017

DAAWO SAWIRRADA SIDA DIIRAN EE MADAXWEYNE FARMAAJO & WAFDIGIISA LOOGU SOO DHOWEEYEY NAIROBI.

Published on November 28, 2017 by   ·   No Comments

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeybgalaya caleema-saarka Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa gaaray Magaalada Nairobi.

 

Wafdiga Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta ku soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya Danjire Aamina Maxamed, Sii-haya Safaaradda Soomaaliya ee Kenya Cali Maxamed Sheekh (Bagadi) iyo Diblomaasiyiin ka tirsan Safaaradda.

 

“Xiriirka ka dhaxeeya labada dal waa mid ku dhisan iskaashi iyo wax wada-qabsi. Madaxweyne Farmaajo bishii Maarso ee sanadkan ayuu booqasho rasmi ah ku yimid Kenya si loo xoojiyo xiriirkaas, haatanna waxa uu ka qeyb galayaa caleema-saarka Madaxweyne Kenyatta.” ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axemed.

 

Socdaalka Madaxweynaha ayaa qaadan doona muddo hal maalin ah, waxaana berri oo Talaadada ah uu ku biiri doonaa hoggaamiyeyaal ka socda qaaradda Afrika iyo Caalamka oo ka qeyb galaya caleema-saarka madaxweyne Kenyatta oo muddo xileedkiisa labaad ku guuleystay doorashadii ku celiska aheyd ee ka dhacday dalkaas dhowaan.

Wafdi Farmaajo Wafdi Farmaajo1 Wafdi Farmaajo2 Wafdi Farmaajo3 Wafdi Farmaajo4 Wafdi Farmaajo5

Readers Comments (0)

Comments are closed.

FIND ON FACEBOOK