Dagaal dad ku dhinteen oo saakay ka dhacay Beer kutaala Degmada Balcad...

Dagaal dad ku dhinteen oo saakay ka dhacay Beer kutaala Degmada Balcad ee Gobolka Sh/Hoose

35
0
SHARE

Wararka ka imaanaya Degmada Balcad ee Goblka Sh/Dhaxe ayaa sheegaya in saakay beero Duleedka Degmadaasi ku yaala ay ku dagaalameen Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya iyo dad beeraley ah.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu u daxeeyay Ciidamo uu Hogaaminayay Gudoomiyaha Degmada Balcad Cismaan Xaadoole iyo Rag hubeesan oo beeraley ah kuwaa oo ku dagaalamay beer kutaala Degmada Balcad.

Nabadoon kusugan halka uu dagaalku ka dhacay ayaa sheegay in Ciidamo katirsan Dowlada ay kusoo duleen Beeraleyda halkaasna uu ka dhacay saakay Dagaal culus ay ku dhinteen ilaa Sadax qof.

Ma jiro dhinaca Maamulka Degmada Balacd war kasoo baxay oo ku aadan dagaalka la sheegay in uu saakay ka dhacay Degmadaasi iyo sababaha kalifay in ay dagaalamaan Ciidamada Dowlada iyo dadka beeraleyda ah.

Mudooyinkii dambe Gobolada Sh/Hoose iyo Sh/Dhaxe waxaa kusoo badanayay dagaalka u dhaxeeya Maleeshiyo Beeleedyada iyo sidoo kale Ciidamo kawada tirsan Dowlada oo iyaguna ku dagaalamayay qaab beeleed.

Leave a Reply