Dagaal Iyo Duqeyn Ka Dhacday Magaalada Kismaayo.

    57
    0
    SHARE

    Wararka laga helaya dhanka magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in kooxda shababku Jubooyinka ay xalay dagaal xoogan ku qaadeen garoonka diyaaradaha Kismaayo oo fariisin u ah ciidamada Kenya oo qeyb ka ah AMISOM.

    Dagaalka oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa saacad ka badan halkaasi ka socday iyadoona dhawaaqa rasaasta si aad ah looga maqlayay gudaha iyo duleedka magaalada Kismaayo oo kamid ah goobaha ay kaga sugan yihiin Kenyatigu Gobolada Jubbooyinka.

    Dagaalka iyo duqeynta xalay ka dhacaday Kismaayo ayaa kusoo aaday xilli gudaha magaaladaasi ay ku sugan yihiin saraakiil fara badan oo kasocda Beesha Caalmka iyo dowlada Federalka ah oo ka qeyb qaatay xaflad lagu caleyma saarayay Axmed madoobe oo shalay ka dhacday gudaha magaaladaasi.

    Leave a Reply