DANTA KENYA IYO SHAKIGA SHACABKA SOMALIYEED

DANTA KENYA IYO SHAKIGA SHACABKA SOMALIYEED

12
0
SHARE

Doowlada wadanka Kenya waxa eey ciidamo usoo dirtay gudaha wadanka soomaaliya si eey ula dagaalamaan xarakada alshabaab oo eey sheegtay Kenya ineey dhibaato kageeysatay gudaha dalkeeda Kenya waxeey xiligaa sheegeeysay ineey beegsaneeyso alshabaab si eey u xakameeyso wax yeelo uga imaaneeysay xarakada alshabaab .

Si kasta ha ahaatee Kenya waxa eey soogashay gudaha wadanka somaaliya shacabka soomaaliyeed waxa xiligaa wixii kadambeeyay eey ka muujinayeen walaaac ku aadan sida keyaanku wax ku wadaan aqoonyahano,culimo, dhalinyaro , haween iyo waliba qeeybaha kaladuwan ee bulshada sooomaaliyeed ayaa kuwaramayay in kenyaatiga gudaha u soo galay somaaliya danteedu  ka weyntahay ladagaalanka alshabaab laakiin eey dano kale oo xaga istaraatiijiyada ah eey leedahay kana leedahay gobalada Jubooyinkan iyo Gedo oo eey dooneeyso ineey kasameeysato maamulo iyada taabacsan kuwaa oo eey taageero siiso iyadu.

Xukumada keenya waxeey horay u dhistay maamul lagu magacaabi jiray AZAANIYA oo uu horkacayay Hogaamiye Kooxeed lagumagacaabo Professor Gandi maamulkaas waxaa loodhisay gobalada jubooyinyanka waxaana qasadka laga lahaa uu ahaa in lagu maamulo jubooyinka  laakiin maamulkaas  oo lagu dhisay magaalada Nairobi Ee caasimada wadanka Kenya laakiin maamulkaas ma uusan shaqeeyn oo waa uu fashilmay balse Kenya kama quusan damaceeda ahaa ineey mar uun dhidibada utaagto maamul iyada taabacsan  bal eey dib ugu noqono so galistii kenyaanka somaaliya keeyaanku kama mid ahayn ciidamada AMISOM ee soomaaaliya kusugan hase ahaatee markii laga muujiyay xasaasiyad soo galista keenya oo madaxweynihii xiligaas soomaliya Shariif sheikh Ahmed  uu afka labadii yeeray  isagoo sheegay in ciidamada dowlada wadanka keenya eey sharcidaro ku soo galeen wadanka Somaaliya.

Keenya waxa eey soo gurguurataba waxa eey soo gaartay magaala xeebeedka kismaayo  sida la ogsonyahay waxaa xiligaa Kenya ku wehliyay dagaalka Koox Maleeshiyo uu hogaamiyo Nin lagu magacaabo Axmed Maxamad Islam Axmed Madoobe oo si wanaagsan utaacbansan qorshaha maldahan ee kenyaaatiga waxaa sidoo kale jiray ciiidamo hoostaga dowlada somaaliya ayaa iyana la socday oo ku wehliyay dagalka lagula jiray alshabaab keenyaanka iyo axmed madoobe iyaga qorshahoodu waxaa uu ahaa mid siidagan oo lama taabtaan ah Axmed madoobe waxa uu hogaanka uqabtay maamul ku meel gaar ah oo gaarsiiya doorasha laga qabto jubooyinka lakiin arinta xusida mudan ayaa ah Kenya waxa eey gashatay shaarki AMISOM  ee nabad ilalalinta  waxa eeyna si buuxda ula wareegtay meelo badan oo ka mid ah jubooyinka iyo Gedo laakiin  shacab farabadan oo soomaaliyeed ayaa il taxadar leh ku hayay keenyaatiga iyo waxyaabaha eey ka damacsanyahiin gobalada eey ku habsadeen doowlada soomaliya iyaduna waxeey markaan ku hoowlantahay dhisida maamulo wadanka loo dhiso si loo hirgaliyo nidaamka federaalka ah {FEDERALISM}

 

Doowladu waxeey maamulo ku meel gaar ah udhistay gobalada Hiiraan  Gobalka Baay Shabeelada hoose  shabeeda dhexe iyo waliba gobalka Gedo lakiin arintu waxeey isbedeshay marki eey doowladu isku dayday ineey maamul udhisto Jubooyinka arintaas waxaa ka soo horjeestay nin sheegatay inuu u soo halgamay Jubooyinka waxaana uu tilmaamay in isaga looga dambeeyo arinta maamul usameeyta Jubooyinka waxaana uu isu keenay ergo gaareeysa 500 boqol oo isugu tagay jaamacada  ku taal kisyaamyo mudo shir halkaa ka socday  oo inti lagu gudajiray eey isaga baxeen qabaailo  sheegay ineeysan ku qanacsaneeyn qaabka uu shirkaas ku socday  laakiin waxaa ugu dambeeyn  lasheegay in ladoortay Axmed Modoobe .

Balse waxaa arintu cirka isku shareertay markii doowladu sheegatay in waxa kismaayo kadhacay eeysan waafaqsaneeyn dastuurka wadanka { Constitution of the country} waxaana xaalada uga siidaray rag kale oo faradan kuwaa oo sheegatay ineey yahiin madaxweeynayaal Jubbaland waxaana ugu dambeeyntii dagaal iskala horyimid Axmed madoobe iyo Barre hiiraale oo ka mid ahaa raga sheegtay ineey madax kayahiin jubbaland warar ayaa waxa eey sheegayeen inta dagalku socday in keenyaatigu eey taageero xoog le siinayeen 3dax maalin oo dagaal qaraar uu ka socday magaalada kismaayo waxaana la tilmaamay in kenyaanku eey sitoos ah iyo si aan toos aheeyn ugu lug lahayeen dagaalka waxana gabi ahaamba lagasaaray  Barre Adan Shire Hirale magaalada kismaayo iyo isaga iyo rag taageerayaashiisa ahaa.

Wariye katirsan BBC una qaabilsan arimaha caalamka oo lagu magacaabo Mac Doil ayaa ku waramaya in Kenya eey dooneeyso ineey kasameeysato gudaha wadanka soomaaliya meel aan looga soo gudbi Karin wasarada arimaha  dibada ee soomaliya ayaa sidookale waxa eey waraaq  ashtako ah u dirtay  midowga Africa{ AU African Unity} oo eey uga dacwooneeyso hab dhaqan keenyaanka ku sugan kismaayo side daraateed damaca keenyaanka iyo shakiga shcabka soomaalida waa uu soo baxay danta keenyaanka waa ineey ZONE ka sameeystaan gudaha somaliya shakiga shacabka soomaliyeedna waa in keeyaanku NFD Northern Frontier District  ku darsadaan gobalada koofureed ee ku dhaw Xadka Soomaaliya iyo keenya

 

W/D: Garad Yusuf Mohamud

 

Leave a Reply