Deg deg: Gaadiid Ay Wateen Ciidamada Amisom Oo Qof Shacab Ah Ku...

Deg deg: Gaadiid Ay Wateen Ciidamada Amisom Oo Qof Shacab Ah Ku Jiiray Magaalada Muqdisho Iyo Kacdoon Dad Weyne Oo Ka Bilowday Halka Wax Ka Dheceen.

29
0
SHARE

War deg deg ah oo hadda nasoo gaaray ayaa sheegay in ciidamada shisheeye ay qof shacab ah ku dileen nawaaxiga isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho gaar ahaan Taree biyaano kadib markii ay jiirsiiyeen mid kamid ah gaadiidkooda gaashaaman.

Goob jooge ayaa war baahinta islaamiga ah ee Al-furqaan u sheegay in ciidamada shisheeye si ula kac ah u jiireen nin rag ah xilli uu goynayay wadada.

Waxaa kaloo intaa iiga naxdin badneyd buu yiri: inaaney ciidamada shisheeye u hakan ninka muslimka Soomaaliga ah ee ay sidaasi u jiireen iyagoo kolonyo ah, waxaana laamiga laga soo uruuriyay maskaxda qofka la jiiray iyo meydkiisa, maadaama gaarigu madaxa ka jiiray.

Gaari nooca loo yaqaano Tawga ayaa dul maray qofka shacabka ah, wuxuuna gaarigu kamid ahaa kolonyo galbineysay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo laga soo qaaday garoonka dayuuradaha, looga waday madaxtooyada.

Dad weynaha ku dhaqan halka ay wax ka dheceen oo u badan arday ayaa isugu soo baxay laamiga iyagoo dhagxaan ku billaabay ciidamo ka tirsan dowladda federalka ah oo goobta soo gaaray.

Sannadkii 2011 ayey ahayd markii uu gaari Taagi ah uu isgoyska KM4 ku dul maray haweeney xaamilo ahayd oo lagu magacaabi jiray Faadumo Cali Cusmaan.

Sidoo kale waxaa la xusuustaa dhacdadii ay kolonyo gaadiidka shisheeye ah ku jiireen dad salaada jimcaha ku tukanayay bannaanka masjid ku yaalla inta u dhaxaysa KM4 iyo madaarka.

Leave a Reply