DEG DEG: Qarax Xoogan Oo Gordhaw Ka Dhacay Duleedka Muqdisho Iyo Khasaare...

DEG DEG: Qarax Xoogan Oo Gordhaw Ka Dhacay Duleedka Muqdisho Iyo Khasaare Ka Dhashay

379
0
SHARE

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax goordhaw ka dhacay  deegaanka Garasbaaleey ee duleedka Magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.

Qaraxa ayaa dadka deegaanka Simba u xaqiijiyeen in lala eegtay ciidamo katirsan dowladda oo watay gaari Cabdi-bille ah oo marayay agagaarka xaafada Macaani ee deegaanka Garasbaaleey.

Inta la xaqiijiyay hordhaca wararka ayaa sheegaya dhimashada laba askari oo katirsanaa ciidamadii saarnaa gaariga dagaal ee qaraxa Miino lagula eegtay duleedka magaalada Muqdisho.

Maamulka deegaanka Garasbaaleey oo xiriiro ay la sameysay Idaacada Simba ayaa suura galin.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sido kale sheegaya in goobta qaraxa uu ka dhacay ay soo gaareen ciidamo kale oo katirsan dowladda oo hada goobta ka wada dhaq dhaqaaq ciidan.

 Waxii Kusoo Kordha La Soco Goordhaw

Leave a Reply