Deg deg: Ra’iisul Wasaare Kheyre oo magacaabay Wasiiro dhowr ah (Goodax Barre...

Deg deg: Ra’iisul Wasaare Kheyre oo magacaabay Wasiiro dhowr ah (Goodax Barre oo Wasiir loo magacaabay).

158
0
SHARE

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu magacaabay Wasiiro cusub, iyadoo la buuxiyay labo wasiir oo booskooda banaanaa, kuwaasoo bil ka hor uu Ra’iisul Wasaaraha xilka ka qaaday.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa goor dhow warbaahinta dowladda ka akhriyay wareegtada Ra’iisul Wasaaraha oo lagu magacaabay illaa shan wasiir iyo wasiir kuxigeen.

C/llaahi Goodax Barre ayaa loo magacaabay Wasiirka Waxbarashada, waxaa lagu bedelay wasiirkii xilka laga qaaday C/raxmaan Daahir Cismaan oo ay isku heyb ahaayeen.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha ayaa loo magacaabay Xuseen Sheekh Maxamuud Xuseen Badni, halka Wasiirkii xilkaas hayay Sheekh Nuur loo magacaabay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta.

Sidoo kale wasiiru dowlaha Madaxtooyada ayaa loo magacaabay C/qaadir Sheekh Baqdaadi, waxaa uu bedelay Wasiiru dowlihii hore Khaliif C/qaadir Macalin Nuur.

La soco wixii warar ee ku soo kordha magacaabida Golaha Wasiirada.

Leave a Reply