Dhagayso: Odayaal Habar gidir ka tirsan oo soo dhaweeyay heshiiskii beeshooda iyo Xarakada Al-shabaab gaareen.

    29
    0
    SHARE

    Qaarka mid ah waxgaradka ka soo jeeda Beesha Habar gidir oo ay Xalay wareysi siiyay Idaacadda Alfurqaan ayaa sheegay in ay rejeynayaan in uu mira dhalo heshiiskii beeshooda iyo Xarakada Shabaab dhawaan ku gaareen Magaalada Buulo mareer ee Gobalka Shabeelaha hoose.

    Waxa ay tilmaameen in Beeshu kaalinteeda Jihaadka ka qaadanayso ayna ka go’an tahay in ay ka bus kiciso dhufeysyada Cadawgu ku leeyahay gudaha Dalka Soomaaliya.

    Halkan Hoose Ka dhageyso wareysiga Odayga oo dhan

    [ca_audio url_mp3=”http://radioalfurqaan.com/wp-content/uploads/2014/01/Wareysi-Warsame-xasan-Cabdulle-oo-odayaasha-Habar-gidir-ka-mid-ah.lite_.mp3″ url_ogg=”” skin=”regular” align=”none”]

    [audio:http://radioalfurqaan.com/wp-content/uploads/2014/01/Wareysi-Warsame-xasan-Cabdulle-oo-odayaasha-Habar-gidir-ka-mid-ah.lite_.mp3]

    Warsame Xasan Cabdulle oo Muqdisho jooga iyo Maxamed Cabdulaahi suuley oo iminka ku sugan Gobalka Shabeelaha hoose ayaa hoosta ka xariiqay in Beeshu diyaar u tahay waxkasta oo wanaag ah laguna difaacayo Diinta Allaah.

    Waxay tilmaameen in Beeshu Jihaadka kaalin Muhiim ah uga jirtay gaar ahaan xilligii Maxkamadaha ha yeeshee rag badan oo hogaankii Maxmadaha ka tirsanaa ay ka mid noqdeen xubnihii lala mideeyay Dowladdii Cabdulaahi Yuusuf waagii hore hogaamin jiray kadibna Shariif Sheekh Axmed Madaxweyne looga dhigay.

    Waxay hoosta ka xariiqeen in Cadawga iyo kaaliyaashiisu habar gidir bahdileen sababtoo ah bey yiraahdeen waxaa jira dad naga tirsan oo xabsiyada ku raagay, kuwo guryihii ay ku lahaayeen Muqdisho laga barakaciyay lagana burburiyay iyo kuwo jirdilo loo geystay.

    Maleeshiyaadka Beesha ka soo jeeda ee Cadawga ka barbar dagaalamaya ayay kula taliyeen odayaashu in ay ka soo tagaan oo ay iyaga u yimaadaan waxaanay xuseen markaas in wax barasho la geynayo intii daneynaysana xirfado shaqo loo abuurayo.

    Leave a Reply