Dhageyso: Al-shabaab oo Muqdisho kulan kula yeeshay odayaal dhaqmeedyo iyo shirkadaha Isgaarsiinta

    19
    0
    SHARE

    Sargaal sare oo katirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegay shalay inuu magaalada muqdisho kula kulmay qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka beelaha Soomaaliyeed, uuna kala hadlay sidii ay u taaageeri lahaayeen dagaalka ay kala soo horjeedaan ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya, Sheekh Cali Maxamed Xuseen Sheekh Cali Jabal oo Al-shabaab ugu magacaaban Gobolka Banaadir ayaa Warbaahinta u sheegay in Magaalada uu kulamo kula qaatay Odayaal dhaqmeedyo ayana kala hadleen sidii loo xoojin lahaa Iskaashiga ka dhaxeeya Al-Shabaab iyo Shacabka Magaalada Muqdisho.

    Gudoomiyaha gobolka Banaadir ee Xarakada Al-Shabaab ayaa tilmaamay in hada Al-Shabaab Mgaaalada Muqdisho ay ku leeyihiin awood badan ayna iska hor leexiyeen caqabado badan oo ku hor gudboonaa sida uu sheegay.

    Dhinaca kale waxaa xalay si rasmi ah u dhaqangalay amarkii horay uga soo bax ay Al-shabaab ee lagu mamnuucay isticmaalka Internet-ka, waxaana xalay la xiray adeega Mobile Internet iyo Fiber Optic ee deegaanada ay maamulaan Xarakada Al-Shabaab, waxayna dad ku nool deegaanadaasi ay sheegeen in xalay fiidkii la xiray adeegii internet-ka ee ay ka isticmaali jireen Mobilka, waxaana la xaqiijiyey in Al-shabaab ay shirkadaha Isgaarsiinta ee ka howlgala deegaanadooda kuwargeliyeen in la gaaray waqtigii loo qabtay inay shirkadahaasi joojiyaan bixinta adeega Mobile Internet, sidoo kale waxaa la sheegay in magaalooyinka aysan gacanta ku heyn Al-shabaab qaarkood uu ka dhaqangalay amarka magaalooyinka kalena la sheegay in labada maalin ee soo cota la xirir-doono qadadkooda haddii uusan xal kale imaan.

    Leave a Reply