Dhageyso:-AL-SHABAB u aqoonsatay dowladii ugu fiicneed ee soo marta dalka SOMALIYA 22-kii sano ee tagay tii madaxweyne…

    32
    0
    SHARE

    rurka Al-Shabaab ayaa sheegay in dowladii ugu fiicneed ee soo maartay Soomaaliya 22-kii sanno ee la soo dhaafay ku tilmaamtay dowladii KMG ah ee uu madaxweynaha ka ahaa AUN Cabdulaahi Yuusuf Axmed, waxaa dowladii ugu xumayd ku tilmaameen tan hadda jirta ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh.

    Afhayeenka Al-Shabaab Cali Maxamuud Raagge, ayaa sheegay in dowladii Cabdulaahi Yuusuf ay diidday in ciidamada safka horre ay soo galaan dalka Soomaaliya, waxaana taas keentay ayuu yiri in ay isku dhacaan Cali Geedi, Cabdulaahi Yuusuf Axmed iyo Nuur Cadde.

    Wuxuu xusay Cabdulaahi Yuusuf in uu si cad u diidday ciidamada Ethiopia in ay soo galaan dalka Soomaaliya balse dowladda maanta jirta waxa ay oggolaatay ayuu yiri in ciidamada Ethiopia ay soo galaan.

    Leave a Reply