Dhageyso: Amni Darada Suuqa Bakaaraha Iyo Hoos U Dhac Ku Yimid Dhaqaalaha...

Dhageyso: Amni Darada Suuqa Bakaaraha Iyo Hoos U Dhac Ku Yimid Dhaqaalaha Soomaaliya.

103
0
SHARE

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa siweyn waxa uu uga hadlay cabasho dhawaan ka soo yeertay qaar ka mid ah Ganacsaatada suuqa Bakaaraha ee Muqdisho.

Mudanaha ayaa sheegay in xidhibaanada Golaha Shacabka aan looga baahneyn inay kaliya lacagaha dadka laga qaado xisaabiyaan balse ay indhaha ku haayaan dadka lacagaha Canshuurta ah laga qaado ee aan amni heysan, hantidoodana lagu qaadanayo baad iyo dhac cad.

Wuxuu soo hdal qaaday dhacdooyinka amni ee ka tagan saylada ganacsiga ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha, isagoo sheegay inay ganacsato ay xilgan qabaan walaac amni ku aadan hantidooda wuxuna xildhibanada ka codaday inay indhaha ku hayaan waxa uu wax an la aqbali Karin ku sheegay  in Ganacsatada Suuqa Weyn ee Bakaaraha ay Canshuurta bixiyaan hadana dhac loogu daraayo.

Dhanka kale Xildhibaan Mahad Salaad ayaa isugana ka hadlay hoos u dhaca ku yimid dakhliga ka soo xareedo dalka iyo farqiga u dhaxeya labadii sanadood ee u dambeeyay ee 2016-ka iyo 17-ka isagooona sheegay in hoos u dhac aad u balaaran uu sanadkan ka soo xarooday canshuurta laga qaado Qaadka taas oo uu ka codsaday wasaarada ay khuseyso inay cadeyso waxa sababay hoos u dhacaasi baahsan.

Halka Hoose ka Dhageyso:  Codadka Labada Xildhibaan

Leave a Reply