DHAGEYSO : Feysal Cali Waraabe : ” Ma haboona inaan Wadahadal la galno Dowlad uu Shisheeye maamulo”.

    40
    0
    SHARE

    Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka Ucid ee Maamulka la baxay Somaliland Feysal Cali Waraabe ayaa si kulul kaga hadlay wahadallada udhaxeeyay Dowladda uu hogaamiyo Xasan Sheekh iyo Maamulka Somaliland ee dhowaan ka dhacay magaalada Isbtanbul ee dalka Turkiga.

    halkan ka dhageyso Codka Siilaanyo

    [ca_audio url_mp3=”http://galhareeri24.com/wp-content/uploads/2014/01/Siilaanyo-galhareeri24.com_.mp3″ url_ogg=”” autoplay=”true” download=”true” html5=”true” skin=”regular” align=”none”]

    Feysal Cali Waraabe oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay inaysan u qalmin Somaliland inay wadahadal la gasho Dowlad aan xor aheyn, isagoo xusay in Dowladda Fedraalka aysan jirin cid ay matasho.

    “Kuwa aan Istanbul kula hadalnay Kismaayo ma maamulaan, oo Digil iyo Mirifle ma xukumaan, Maamulka Garoowe ma xukumaan, cid ay xukumaan ma jirto, maxaan kala hadleynaa” ayuu isweydiyay Feysal Cali Waraabe.

    Leave a Reply