DHAGEYSO/ Akhriso : Muxuu Sheekh Dr Ayman Al-Dawaahiry Uga hadlay Kalimaddiisa?

    35
    0
    SHARE

    Hogaamiyaha guud ee Ururweynaha Alqaacidda Dr Sheekh Ayman Al-Dawaahiry ayaa hadlay marxaladda adag ee uu marayo Dagaalka ka socda dhulka Shaam iyo dagaalka Fitnada ah ee u dhaxeeya qaar ka tirsan xoogagga kacdoon wadayaasha ee la dagaallamayay Bashaar Al-Asad.

    Ugu horreyn Sheekh Ayman waxa uu sheegay in Jamaacada Qaadicatul Jihaad ay dhammaan kooxo kala duwan ee Mujaahidiinta Shaam u heyso Jaceyl iyo ixtiraam, ayna u arkaan in Jihaadka Shaam ka socda uu yahay waddadii lagu xoreyn lahaa Beytul Maqdis, kadibna lagu soo celin lahaa khilaafadii islaamka.

    Halkan ka dhageyso Cdka Amiirka Alqacida oo dhan

    [ca_audio url_mp3=”http://ia600309.us.archive.org/13/items/ayman_Nda2/nda2.mp3″ url_ogg=”” skin=”regular” align=”none”]

    [audio:http://ia600309.us.archive.org/13/items/ayman_Nda2/nda2.mp3]

    “Waxaad ogtihiin walaalaheygoow in Farriimihii aan horey u jeediyay iyo kuwii ay jeediyeen walaalaheyga nool iyo kuwii Shahiiday inaan idinkula hadli jirnay si mideysan, anagoo aan kala sooceyn laba ruux oo Muslim ah ama laba ruux oo Mujaahid ah, walaaltinimada islaamka ee noo dhaxeysa ayaa ka weyn ku abtirsashada Ururada iyo kooxaha” ayuu yiri Sheekh Ayman.

    Hogaamiyaha Mujaahidiinta Alqaacidda waxa uu si cad ah u sheegay inaysan marnaba aqbaleynin ku xadgudubka Xurmada qofka Muslimka ah iyo kan Mujaahidka ah iyo in lagu dhejiyo Gaalnimo. isagoo tilmaamay in Alqaacidda ay u aragto dhammaan kooxaha kala duwan ee Mujaahidiinta ee ka dagaallamaya dalka Suuriya islamarkaana u huraya naftooda iyo maalkooda si ay u kor noqoto Kalimadda Alle iyo in lagu dhaqmo Shareecada islaamka  inay yihiin kuwo Walaalahooda ah, oo marnaba aysan aqbaleyn in lagu xukumo Riddo iyo Gaalnimo.

    Amiirku waxa uu hadalkiisa sii raacayay : ” Walaalaheyga wanaagsanoow waxaad ogtihiin inaan horey ugu baaqnay, haddana aan ku baaqeyno in dhammaan kooxaha Mujaahidiinta  ee Suuriya ay ka shaqeeyaan dhisidda Xukuumad islaami ah oo ka hana qaada dhulka Shaam ee Jihaadka iyo Ribaadka, ayna doortaan cidda ay iyagu raali ku noqdaan inay maamusho, cidda ay iyagu doortaan ayaan annaguna raalli ka nahay, mana ogolin cid iskeed dadka kusoo rogta maamulkeeda”.

    Dr Sheekh Ayman Al-Dawaahiri waxa uu sheegay in qalbigooda iyo qalbiga Umadda islaamka ah uu dhiigeeyay Fitnada ka dhex socota Mujaahidiinta Shaam, wuxuuna ugu baaqay dhammaan dhinacyada Mujaahidiinta Shaam, Culimada, Ducaadda, Odayaasha qabaa’ilka, Ganacsatada iyo dadka waxgaradka ah inay ka shaqeeyaan xallinta Fitanta u dhaxeysa Mujaahidiinta.

    Sidoo kale waxa uu ku baaqay in la dhiso Maxkamad Sharci ah oo qaada eedaha ay kala sheeganayaan kooxaha Mujaahidiinta ah, islamarkaana loo hoggaansamo go’aanada ay soo saarto Maxkamaddaas.

    Kalimaddan uu soo diray Sheekh Dr Ayman Al-Dawaahiri ayaa noqoneysa tii ugu horreysay ee kasoo baxda hoggaanka Ururweynaha Alqaacidda tan iyo intii Seddax todobaad ka hor gudaha dalka Suuriya ay ka billowdeen dagaallo u dhaxeeya Dowladda islaamiga ah Ciraaq iyo Shaam oo dhinac ah iyo xoogag ka tirsan Kacdoon wadayaasha dalka Suuriya, waxaana dagaalladaas ay sababeen khasaare badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

    Leave a Reply