dibadbax loga so horjeeda Isbaroyinka mogadishu

    31
    0
    SHARE

    Banaan bax looga cabanayo isbaarooyinka la soo dhigay wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxa maanta Isgoyska Ex Koontarool Afgooye ka dhigay darawalada gaadiidka, kuwaasoo shaqo joojin sameeyay.

    Darawalada gaadiidka ayaa ka cabanayay isbaarooyinka xad dhaafka ah ee la soo dhigay wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, waxaana saaka gebi ahaanba xayirnaa wadadaas oo aan wax gaadiid ah ka shaqeyn,

    Qaar ka mid ah darawalada gaadiidka ayaa sheegay inay qaati ka taagan yihiin ciidamo ka tirsan dowladda oo isbaarooyin dhigtay wadada, isla markaana gaadiidkiiba laga qaado lacag aad u fara badan.

    Darawalada ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya iyo saraakiisha ciidamada inay wax ka qabtaan, isla markaana tallaabo ka qaadaan ciidamada isbaarooyinka dhigtay wadada.

    Intii uu socday dibad baxa ayaa waxaa Isgoyska Ex Koontarool Afgooye la soo dhigay gaadiid fara badan oo shaqo joojin sameeyay, waxaana gaadiidka lagu dhajiyay boor ka turjamayay dhibaatada wadada ka jirta iyo tacadiyada ay la kulmaan gaadiidleyda.

     

     

     

     

     

     

    .

    Leave a Reply