Diyaarado dagaal oo dul heehaabaya shabeelaha hoose

Diyaarado dagaal oo dul heehaabaya shabeelaha hoose

57
0
SHARE

Dadka ku nool degmooyinka Qoryooloy .Buulo mareer .iyo Sablaale oo ay wada maamulaan xarakada al shabaab ayaa waxa ku warameen in maalmihii ugu danbeeyayba ay halkaasi ku arkayeen diyaarado jog hoose ku duulaya

Diyaaradaha ay sheegayaan inay dadku arkeen waxay isugu jiraan diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee loo adeegsado basaaska iyo duqeynta iyo diyaarado kale oo guuxooda uu aad u sareeyo

Dhulka ay diyaaradahan dul heehaabayaan ayaa ah dhul ay si weyn ugu xooganyihiin al shabaab iyadoo dhowr jeer oo horana halkaasi ay duqeyn iyo weeraro toos ah ka geysteen ciidamada mareykanka iyo kuwa faransiiska

Sidoo kale dhulkan ayaa waxa la amisanyahay inay ku afduubanyihiin ajaanib badan oo ay alshabaab qafaasheen

Leave a Reply