Doorashada Aanu Diidanahay.

Doorashada Aanu Diidanahay. [Qalinkii: Gudoomiyaha Ururka Midnimo]

26
0
SHARE

Ninkii nebinimada beenta ah sheegtey, markuu soo xirtey laba nin oo kamid ah asxaabtii suubanaha (shacni iyo nabadgelyo dushiisa ha ahaatee), wuxuu midkood weydiiyey in uu rumeysan yahay nebinimadiisa. Wuxuu ugu jawaabey sidan:

” Eebaan ku dhaartaye, waxaad og-tahay, inaan ogahay inaad og-tahay inaadan nebi ahayn ”

Macnaha ay gudanayaan ereyada ay labadaas nin is-dhaafsadeen ayaa waxay u muuqaal eg-yihiin ficillada siyaasadeed ee maalmahan ka taagan Puntland (Dal-udug). Gaar ahaan guddiga doorashooyinka iyo masuuliinta dowladda oo mar walba shacabka u sheegaya in gobollada dalka ay ka dhaceyso doorashooyin. Dad-weynuhuna waxay la amakaaksan yihiin meelihii ay ka dhici lahayd doorashada oo dhamaan laga-wada diiddan yahay, xaaladdii ay ku dhici lahayd oo aanan diyaar ahayn, dadkii geli lahaa doorashada oo ah kuwo aanan la qoon, ujeeddada laga leeyahay oo ah mid uusan shacabka aqoon. Markaas ayaa xaaladdii shacabka waxay noqotey mid oraneysa:

” Eebaan ku dhaaranneye waxaad og-tihiin, inaan og-nahay, inaad og-tihiinin in ayan doorasho dheceynin ”.

Guddiga doorashooyinka ayaa waxay ku baaqeen in ay Puntland ka dhacayaan doorashooyin bisha july 15-keeda. Dowladduna waa ay ku raacdey iyada oo hiil la garab taagan. Haddaba doorashadan maahan mid heysata saldhig adag ee ama sharci ah ama soo-dhoweyn dad-weyne ah. Mana ahan qaab lagu amaamudi-karo hannaan siyaasadeed ee dowlad iyo shacab ay ku nastaan. Inta badan dad-weynaha reer Puntland, gaar ahaan kuwa caafimaadka qaba ee aanay isaga-darmin midabyada nolosha, isku-si ayay ugu muuqataa in mashruucani uusan ahayn mid sumcad iyo heybad ku kordhinaya nadaamka inoo dhisan. Waayo, sida gurracan oo loo maareeyey darteed, goor hore ayuu lumiyey kalsoonidii dad-weynaha. Isla-markaas sii wadidda iyo hadal-heynta qaabkan guracan, wuxuu galaafatey sumcaddii sii yaraaneysey oo dad-weynaha Puntland (Dal-udug) ay u hayeen masuuliinta majaraha u haya maareynta mashruucan.

Siminaarada iyo sanaadiiqda lagu hor-wado laaluushka ee hadba degmo laga eryayo, waa mid ay ka biya-diideeen dadka ku dhaqan gobollada Puntland (Dal-udug) dhamaantood. Arintaasi waxay dhalisey ifafaalo naceyb ka dhex abuuraya bulshada nabadda jecel ee reer Puntland (Dal-udug). Mashruucu wuxuu keeney hanti badan oo dad-weynuhu lee-yihiin in ay si hudur ah u baxaan. Wuxuu keeney in ay dad ku dhintaan qaar kalena ay ku dhaawacmaan. Taas oo hor-dhac u ah shiddooyin soo muuqda. Si haddaba khasaaraha gaaraya dad-weynaha uu ku ekaado intaas, waxaanu u soo jeedineynaa maamulka iyo guddiga doorashada, in ay fahmaan in shimbiruhu ayan qoor-qabad biyo ku cabin. Shacab la jajuubaana natiijadeedu ay tahay mid aanan loo aayin. Siyaasadda hagaagsanna waa midda bulshada ka fogeysa sababaha naceybka iyo khilaafka ku kordhinaya noloshooda, haba lagu waayo xil markaas la-hayo.

Ciidamada qalabka sida ee Puntland (Dal-udug), waa mu´asasad u taagan difaaca iyo ilaalinta Puntland. Sida ay ugu hiilliyeen shacabka ayay iyaguna waxay u heleen hiillada shacabka oo cashuuraha Puntland 85 % waxay ku bixi jirtey mushaharkooda iyo socodsiinta shaqooyinkooda. Laakiin nasiib-darro waxaa noqotey markii uu shacabkii sabool noqdey oo hantidiisii ay rag urursadeen, idinkiina mushahar ayaad weydeen. Haddaba, annaga oo xambaarsan hammigii dad-weynaha Dal-udug, waxaan dhawaaq idin-ku soo gaarsiineynaa in rasaasta aad leedihiin aanan loo duwin shacabka dhibban ee aamusan. Si gaar ah waxaan u dhawaaqeynaa saraakiisha Puntland oo iyagu ah hor-joogayaasha ciidanka. Waxaanu leenahay, masuuliyadda idin saaran waa mid ah hiil-qaran ee maahan hiil-qofeed.

Dad-weynaha Puntland (Dal-udug) iyaguna waxaan u sheegeynaa in ay nabadda adkeeyaan. Mashruucan doorashooyinka, in-kasta oo uu ahaa mid wax badan inoo hagaajin lahaa, misana waa muuqataa in majarihii laga habaabiyey oo uu sidaas ku dhicisoobey. Haddaba jajuubka lagu wado oo uu la socon la´-yahay yeeyan noqon mid nolosha naga halleysa oo isku-kaaya dirta. Waxaa hubaal ah in uu galaaftey rag damac wejiyo badan oo ay doonayeen in ay ku fushadaan. Diidmadii nabadda ahayd oo aad kaga hor-timaaddeenna waxay muujisey in shacabka Puntland uu ka wacyi sarreeyo kana waddanisan yahay kuwa masuulka u haya. Tilmaantaasi waa mid aad weligeen laheydeen, waana midda aanu kaga soo gudubney mashaqooyinkii dagaalka sokeeye, waana midda aanu mar-walba idn-kula ballameyno inaanu xoojisanno.

Eexashadu ha dhimato

Xaqu ha adkaado

Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka Midnimo

Dr. Saadiq Enow

Leave a Reply