Doorashada Madaxweynaha Masar oo lasoo hormarin doono!

Doorashada Madaxweynaha Masar oo lasoo hormarin doono!

41
0
SHARE

Madaxweynaha KMG ee dalka Masar Adly Mansuur ayaa sheegay in lasoo hormarin doono wakhtigii ay dhici lahayd doorashada Madaxweynaha dalkaasi Masar.

Dowlada Masar ayaa horey u qorsheenaysay in bisha April la qabto Doorashooyinka Baarlamaanka, balse Maamulka kumeelgaarka ah ayaa sheegay in xisbiyada wadankaasi ay sheegeen in aysan hada weli diyaar u ahayn doorashada Baarlamaanka, sidaa daraadeedna lasoo hormarin doono doorashada Madaxweynaha bilaha soo socoda.

Adly Mansuur ayaan shaacin xiliga ay qorsheenayaan inay dhacdo doorashada Madaxweynaha, arrintan oo ay gadaal ka shaacin doonaan guddiga doorashada.

Balse Tilaabadan lagu soo hormarinayo xiligii ay dhici lahayd doorashada Madaxweynaha, ayey dadka qaarkiis aaminsan yihiin in wadada loogu xaarayo doorashada Gen.Cabdifatax al Sisi oo la filayo inuu u tartamo xilka Madaxweynaha Masar.

Adly Mansuur Madaxweynaha KMG ee Masar ayaa sidoo kale sheegay inuu kordhinayo tiradda maxkamadaha lasoo taagayo dadka loo heysto arrimaha argagaxisada.

Warka kasoo baxay maamulka KMG ee Masar ayaa kusoo beegmaya xili sabtidii lasoo dhaafay dad gaaraya 50 qof ku dhinteen banaanbaxyo lagu xusayey kacdoonkii xilka looga tuuray Madaxweynihii hore ee Maxamed Xusni Mubaarik.

Dowlada ayaa sheegtay inay xirtay in ka badan kun qof oo rabshadaha ka qeyb qaatay iyadoo dhaawaca uu ka badnaa 250.

 

Leave a Reply