Dowlada Filibiin oo duulaan ku qaaday mid kamid ah Jabhadaha Muslimiinta

Dowlada Filibiin oo duulaan ku qaaday mid kamid ah Jabhadaha Muslimiinta

47
0
SHARE

Saaka oo isniin ah ayey markale dagaalo ka qarxeen koonfurta dalkaasi filibiin kadib markii ciidamada dowlada ay weerar ku qaadeen xarumaha jabhada BIFF oo u dagaalanta gooni isutaaga gobalada muslimiinta ku badan yihiin ee koonfurta Filibiin.

Weerarkan ayaa lagu soo beegay saacado kadib markii ay Dowlada Filibiin heshiis la gaartay Jabhada weyn ee Muslimiinta MILF, labada dhinac ayuu wadahadal uga socday dalkaasi Malesiya.

Jabhada MILF oo ah mida ugu weyn ee Muslimiinta dalkaasi filibiin ayaa la filayaa dhawaan in ay heshiis kama danbeys ah la saxiixato dowlada, kadib markii loo balan qaaday in ay heli doonaan Ismaamul Gobaleed awood badan oo ay muslimiinta yeeshaan.

ase yeeshee Jabhada BIFF oo ka baxday isbaheysigii ay lalaheyd MILF ayaa sheegtay in heshiiska dowlada lala gelayo uusan ka tarjumeyn rabitaanka shacabka, waxayna ka biyo diideen go’aanka ah inay hubka dhigaan.

Dowlada filibiin ayaa hada xooga saareysa inay awood u adeegsato garabka BIFF ee iyagu wadahadalka diiday, waxayna dagaaladan cusub keeneen barokaca kumanaan shacabka ku dhaqan koonfurta wadankaasi.

 

Leave a Reply