Friday, December 15th, 2017

DOWLADA SOMALIA OO KA HADASHAY DUQEYNTII MARAYKANKU KA FULIYEY DULEEDKA DEGMADA DIINSOOR.

Published on November 22, 2017 by   ·   No Comments

Wasiirka Warfaafinta Somalia C/raxmaan Cumar Yariisow ayaa u sheegay in ciidamada Mareykanka oo kaashanaya ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ay duqeyn la  beegsadeen  xero tababar oo ku taalla Deegaan lagu magacaabo Buur ceelcade oo hoos taga degmadda Diinsoor  ee gobolka Bay.

 

Yariisow ayaa xaqiijiyey in duqeyntaasi  lagu dilay  ku dhawaad  boqol dagaalyahan  oo isugu jiray xoogag hubeysan iyo saraakiil sare oo ka tirsan Al-shabaab.

 

“Dowlada Federaalka waxaa ka go’an dardargelinta la dagaalanka kooxaha argagaxisada Al-Shabbab oo shalay barqadii lagu duqeeyey xero tababar oo ku taalla degaanka Buur Ceelcade ee degmada Diinsoor, waxaana looga dilay 90 – 100 dagaalyahan” ayuu yiri Wasiir Yariisow.

 

Wasaarada gaashaandhiga Maraykanka ayaa shaacisay in illaa sideed gantaal lala helay xero tababar oo ay Al-shabaab ku leeyihiin degaan ka tirsan gobolka Bay.

Readers Comments (0)

Comments are closed.

FIND ON FACEBOOK