Dowladda Mareykanka ayaa ku celisay digniinta ku aadan in muwaadiniinta dalkaasi aysan...

Dowladda Mareykanka ayaa ku celisay digniinta ku aadan in muwaadiniinta dalkaasi aysan usoo safrin dalka Soomaaliya, waxaana dignaantaan oo kale ay soo saareen June 21, 2013.

57
0
SHARE

“Xaalada amaanka ee Soomaaliya wali waa mid aan wanaagsaneyn oo Qatar ah kooxaha ka horjeeda ayaa u howlgala sida kooxo hubeysan gudaha dalka Soomaaliya” Sidaas waxaa lagu yiri Warbixin ka soo baxday wasaarada arimaha dibada Mareykanka.

Sidoo kale Warbixin ka soo baxday wasaarada arimaha dibada ayaa lagu sheegay wali ay jiraan afduubyo, qaraxyo, dilal iyo weeraro mararka qaarkii dhaca, waxaana uu digniintaasi loo jeediyay muwaadiniinta Mareykanka iyo kuwa kale ee ajaaniibta ah ee Soomaaliya tageysa.

Wasaarada arimaha dibada Mareykanka ayaa sidoo kale warkaan ka soo baxay lagu sheegay inay jirto hanjabaado kale oo ka dhan ah ajaaniibta kuwaasi oo ku kulma sida garoonka diyaaradaha, dhismayaasha dowlada iyo goobaha dukaamada.

Dagaalada ku saleysan qabaa’ilada ee ka dhacaya dalka Soomaaliya ayaa sidoo kale laga baqayaa inay sii weynaadaan, waana midda keentay dhimashada dadka Soomaaliyeed iyo barakaca inka badan 1 milyan oo shacab ah.

Warka kasoo baxay wasaarada arimaha dibada Mareykanka ayaa ugu dambeyn lagu sheegay in wali ay taagantahy afduubka ajaaniibta oo ay geysanayaan kooxaha burcad badeeda Soomaalida iyo qatarta ururka Al Shabaab Al Qaacida.

Leave a Reply