Dowladda oo sheegtay in qabsashada deegaanka Gendershe ay muhiim u tahay weerada...

Dowladda oo sheegtay in qabsashada deegaanka Gendershe ay muhiim u tahay weerada Baraawe iyo Jubbooyinka lagu qaadayo

51
0
SHARE

Taliska ciidamada Milateriga xooga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ahmiyad weyn oo dhanka dagaalka ah ay uleedahay qabsashada deegaanka Xeebta ee Gendershe oo ka tirsan Gobalka Shabeelaha hoose.
Abaanduulaha ciidamada xooga dalka Soomaaliya Generaal C/risaaq Khaliif Cilmi, oo la hadlay Raadiyaha Dowladda, ayaa wuxuu sheegay in qabsashada deegaanka Gendershe ay ciidanka Dowladda ufududeynayso dagaalada kale ee qorsheysan.
Wuxuu sheegay in qabsashada Gendershe ay culeys iyo cabsi saareyso saraakiisha Shabaab ee ku sugan Degmada Baraawe ee Gobalka Shabeelaha hoose, waxaana uu intaasi ku daray in tani ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom ay fursad weyn u tahay, maadaama howlgalka Baraawe lagu qaadayo ay qeyb ka fududeynayso.
Abaanduulaha ciidamada xooga dalka Soomaaliya Generaal C/risaaq Khaliif Cilmi, wuxuu kaloo sheegay in dagaalada lagu xureynayo Jubbooyinka inta Shabaab ay ka joogaan muhiim ay u tahay Deegaanka Gendershe, maadaama dhulka uu yahay mid xeeb ah.
C/risaaq Khaliif Cilmi, ayaa ugu baaq ujeediyay dhalinyarada ku jira Al-Shabaab, waxaana uu sheegay in marwaliba ay ku celinayaan baaqii Dowladda Soomaaliya ee ahaa inay shacabkooda kamid noqdaan Shabaab dagaaladana ay joojiyaan.
Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkaan 2014 waxa ay ugu magacdartay soo afjarida dagaalada lagula jiro dagaalamayaasha Shabaab, iyadoo Shabaab ay haystaan weli Magaalooyin badan oo Gobalada dalka ka tirsan.
Saraakiisha Shabaab weli kama aysan hadlin qabsashada deegaanka Gendershe ee Gobalka Shabeelaha hoose oo shalay ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom ay la wareegeen.

Leave a Reply