Dr. Xabeeb: “Waxaa Naloo Keenay Dad Badan Oo Kusoo Dhimir Beelay Wadamada...

Dr. Xabeeb: “Waxaa Naloo Keenay Dad Badan Oo Kusoo Dhimir Beelay Wadamada Reer Galbeedka”.

33
0
SHARE

Cabdiraxmaan Cali Cawaale Xabeeb maamulaha isbitaalada Dhimirka Habeb Public Mental Hosbital ayaa sheegay in ay soo badanayaan dadka dhimirka la’ ee laga keeno Yurubta iyo Ameerika.
Isagoo la hadlayay warbaahinta islaamiga ah ee Al-furqaan ayuu sheegay in xarumaha Xarumaha isbitalkiisa ay jiifaan boqolaal ruux oo isugu jira kuwa dibadda laga keenay iyo kuwa gudaha dalka wax ku noqday.
Xabeeb ayaa dowladda federalka ah ku dhaliilay in aysan waxba ka qaban caafimaadka, isagoo tilmaamay iney ku mashquushay sameynta boorar lagu xardhay wadooyinka oo dhaqaale looga raadsanayo wadamada reer galbeedka.

 

[ca_audio url_mp3=”http://radioalfurqaan.com/wp-content/uploads/2014/01/Cabdiraxmaan-Cali-Cawaale-Xabeeb.lite_.mp3″ url_ogg=”” download=”true” html5=”true” skin=”regular” align=”none”]

Leave a Reply